Sheekh Dirir: Waxyaalaha Dhaawaca Walaaltinimada Islaamka

“Nebiga CSW oo fasirayey Xanta ayaa yidhi “waa walaalkaa ood ku sheegto wax uu karaahiyeysanayo” Sheekh Maxamed Sh CUMAR DIRIR.

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay in ilaalinta walaaltinimada Islaamku waajib tahay shareecada, loona baahan yahay in laga ilaaliyo arrimo dhowr ah oo xumeeya.

Sheekh Maxamed oo khudabdii maanta (Jimce) kaga hadlay arrimaha dhaawaca walaaltinimada Islaamka ayaa ku bilaabay,

“Arrimahan hadii aynu iska ilaalino, waxaa la rajeynayaa inuu hagaago walaaltinimada dhexdeena sii jirto, wallow cid Ilaahay hagaajiyo mooyee, ay adag tahay iska ilaalinteedu. Xanta waxa la yidhaahdo, oo aad moodo in dadku iskaba xalaashadeen; Wadaad, Waranle, Madax, Raciyad, Rag iyo Dumar, labadii isku yimaada dhexdooda xan kama baxayso inay dad xantaan. Nebiga CSW oo fasirayey Xanta ayaa yidhi “waa walaalkaa ood ku sheegto wax uu karaahiyeysanayo” waad dacaayadeysay, naanaysahiisii xumaa ayaad ugu yeedhay, waad ka xanaajisay, taa lafteeda ayaa xan la yidhaahdaa ayuu Nebigu CSW yidhi.

Waxa la yidhaahdo Isku-dirka, oo dadka war loo kala qaado, warkaasi haduu doono run ha ahaadee, ayuu sheegay Sheekh Maxamed inay ka mid yihiin arrimaha dhaawaca walaaltinimada islaamka, isagoo raaciyey,

“Dadkoo war loo kala qaado, adigoo doonaya inaad dab dhex shido, qofka aynu Naar-afuufka nidhaahno weeye, Nebi Maxamed CSW, xadiis saxeex ah waxuu ku yidhi, “qofka dadka isku dira, jannada ma galo” waxaynu u soconaana waa janada.

Waxa ka mid ah Is-daba-galka (Jaajuusnimada), iyo inaad qofka dhaliilahiisa iyo ceebahiisa raadisid, uu toosh daba-qaato uu ku ifinayo ayuu yidhi Sheekh Dirir,

“Ilaahay waxuu quraanka inoogu sheegay “Ha-is-jaajuusinna” ha is basaasinna, qofkii baa basaasaya qof kale, ama xukuumad ha u basaaso, ama qof kale xaaskiisa ha u basaaso, ama shirkad, markaa akhbaarta noocaas ah oo keenaysa inay dadku isku dhacaan, walaaltinimadiina dhaawacaysa.

Sheekh Maxamed oo sii faahfaahinayey waxyaalaha dhaawaca walaaltinimada Islaamka, ummadana looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan ayaa yidhi, waxa ka mid ah

“Liiditaanka (ku-dheeldheelida), in shakhsiyaadku isku dheeldheelaan ama qabaa’ilku, ama ummada qaarkeed aynu xaqiro, sidaad aragteen, kani waa Gabooye, waa Midgaan, Tumaal, waxii badnaa aynu akhriyi jirnay ee liitay, dad isku mid ah walaaltinimmo oo islaam ah, Nebigu CSW waxuu yidhi, “qofka dembi waxa ugu filan inuu walaalkiisa Muslimka xaqirro, anna waa sarreeyaa oo Gob baan ahay, kaasina waa Gunn, annigu Laan-dheere ayaan ahay, kaasina waa Laan-gaab, haduu weligii cibaadaysanayo inta cibaadadiisa masaxaysaa waa intaas.

  • Waxa ka mid ah Ceebaynta, marka isha, marna afka laga isticmaalo.
  • Waxa ka mid ah Xassadka iyo nacayshiiyaha, Nebigu CSW waxuu tilmaamay in xassadku xasanaadka u cunno sida dabku cawska u cunno.
  • Kibirka iyo isla-weynidda ayaa ka mid ah, Nebigu CSW waxuu sheegay hadii wax le’eg qudhaanjada oo kibir ah qofka qalibiiga ku jiro jannada ma galo.
  • Waxa ka mid ah dadkoo kala durka oo masaajidada aan ku wada tukanayn, isku majlis ahayn, marka ay isku cadhoodaan, aan isku soo laabanayn, isna saamaxayn.
  • Waxa ka mid ah Ad-adayga iyo qofka oon dadka u debecsanaan
  • Waxa ka mid ah Ballan-furka oo xilligan dadkeena ku badan. Madaxdii ballanka ayey ka baxaysaa, Culimadii, Tujaartii, waxadka iyo ballanka la dhigto dadkii ma oofinayaan.
  • Waxa ka mid ah Damaca, oo qofku qofka kale waxiisa ku damaaciyo
  • Waxa ka mid ah Malaha Xun, waxii hebel ka yimaada a, ama qolo hebel ka yimaada ay yihiin wax xun.
  • Waxyaalaha xumeeya walaaltinimada wax aka mid ah Ku-Wiiirsiga, ku digashada
  • Waxa ka mid ah in beeca la isku eryo, gurri qof ku jiro ayuu mid kale ku dul baayacayaa, labada qof kala dhinte.
  • Waxa ka mid ah khidbada, qof baa guur gabadh kula heshiiyey, ama gabadh baa guur nin kula heshiisay, ninkii nin kalaa ku khabsanaya

Sheekh Maxamed oo ka sii hadlayey si ummadu isaga daweyso cudurkan, loo baahan yahay cid ay ku deydaan sida dadkii hore saalixiinta, Nebigii CSW ayaa yidhi,

“Rasuulku CSW waxuu ummada isgu keenay walaaltinimada oo ku xaqiijiyey. Maalin ayaa saxaabigii Cumar binu Khadaab RC ayaa ka idan qaatay Rasuulka CSW  si uu Cumrada u tago, Rasuulku CSW waxuu ku lahaa Cumar, “Ha naga ilaawin ducadaada walaalkayow, markaad Cumrada iyo Gurigii Ilaahay tagto”

Saxaabigii Abu-DARAA ayaa sheegay in habeenkii uu walaalahiisa Islaamka qeyb u duceeyo, wakhtiga Salaatul-Laylka oo magacyadooda tiriyo ilaa Todobaatan ayuu sheegay asxaabtiisa ka mid ah.

Tusaalayaasha ku deyashada mudan oo Sheekh Maxamed ummada ku baraarujinayey ayuu sheegay inay ka mid yihiin,

“Axmed binu XANBAL ayaa la kulmay wiil uu Shaafici dhalay oo ku yidhi ‘Aabahaa Shaafici waxuu ka mid yahay raga aan habeenkii u duceeyo eek u fikiro’

Sheekh Maxamed oo tafaasiil ka bixinayey shuruudaha loo baahan yahay inaad kula dhaqantid qofka khilaaf idin dhexmaro ayaa yidhi,

“aan is-khilaafno laakiin yeynaan kala tegin, ikhtilaafkii waa la ogolaan karaa, in dadku kala fikir noqdaan, kala aragti noqdaan, laakiin waxa la diiday kala taga iyo in dadku kala guuraan.

Shuruudaha wax aka mid ah, isku miisaamida wanaaga iyo xumaanta, dadka walaalahaaga markaad la nooshahay, qofka markaad eegaysid waa inaad isku miisaantaa wanaagiisa iyo xumaantiisa, oo tooshka ama weyneysadaada aanad saarin waxiisa xun keliya, adigoo wanaagiisa ka dul boodaya. Adigu inaad dadka xumaanta keliya ku qabsato, wanaagoodana ka tagto waa waxa walaaltinimada dilaya, een lagu wada socon Karin.

Waxa ka mid ah in Fatwada qofku ku degdego, iyadoo aan laga fiirsan, hadhowna yidhaahdo sidaa maan moodayn, waan khaldamayn, oo ka qoomameeyo, ka fiiri ayey mudan tahay.

Arrimahaa culimadu waxay u yaqaaniin walaalkaaga aad is-khilaafsan tihiin sidaad ula macaamili karto. Waa waxyaalaha manta aynu aadka ugu baahan nahay meeshaad eegto Iclaamka qaar baa isku dhalaalsan, madaxdii. Culimadii, madax-dhaqameedkii, tujaartii, rag iyo dumarkii, qoloba dhan ayey u qeylinaysaa, hadii arrimahan la raaco oo mid walba daliilkiisa leeyahay dadkii wada socodkooda, dalkooda iyo diintoodaba wax hagaajin karaan. 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka