Baadhitaano Ku Saabsan Haweenay Dab La Qabadsiiyey Markii La Kufsaday Oo Hindiya Ka Bilaabmay

Hyderabad, (HCTV) – Haweeney 23 jir ah oo ku nool gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa dhimatay maalintii Jimcihii, maalin kadib markii dab la qabadsiiyay markii ay ku sii socotay Maxkamada si ay uga marag kacdo dacwadda labo nin oo lagu eedeeyay inay kufsadeen iyada, sida ay sheegeen booliska.

Maamulaha cusbitaalka Safdarjung ayaa sheegay inay haweenaydaasi ku dhimatay cusbitaal habeenimadii jimcaha.

Haweenaydan dabka la qabadsiiyey ayaa intii aanay dhiman waxa ay booliska u sheegtay in lagu weeraray jidka loo maro tareenka ee Unnao, halkaasoo iyada ay ugu yimaadeen eedaysanayaasha kufsaday, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska maxalliga ah Gaurav Kumar Tripathi.

Haweeneydu waxay u sheegtay booliiska in labada nin, ee lagu eedeeyay inay kufsadeen bishii March, ay ku lug lahaayeen weerarkii khamiista, iyaga iyo aabayaashood iyo adeeradood. Mid ka mid ah labada qof ee kufsiga lagu eedeeyay wuxuu ku maqnaa damiin, midka kalena bileyska ayuu ka baxsaday, sida ay bileysku sheegeen.

Dhinaca kale Koox u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka India ayaa bilaabay baadhitaankan ay sameeynayso oo ku soo beegmay xilli dalka Hindiya ay ka jirto kacsanaa  weyn oo ku saabsan haweenayda la kufsaday kadibna dabka la qabadsiiyey. Booliiskuna waxay sheegeen inay toogteen afarta qof ee laga shakisnaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.