Sawirro: 43 Qof Oo Ku dhintay Dab Ka Kacay Warshad

Delhi (HCTV) – Ugu Yaraan 43 Qof oo Shaqaale u badan Muhaajiriin ayaa ku Geeriyooday dab ka kacay Warshad ku taalla dhisme Afar Dabaq ah, kaasi oo ku yaalla Magaalada New Delhi.

Dadka Dabka ku Geeriyooday aya Hurday Xilliga dabku kacay oo ahayd 5-tii subaxnimo xilliga Hindiya, waxaanu dabku ka bilaabmay Dabaqa Saddexaad ee dhismaha oo ku fadhiya 600 Mitir laba Jibbaaran.

illaa 35 Gaadiidka dab-damiska ayaa gaadhay goobta, si ay Dabka u bakhtiyaan, una suurti-gasho in Dadka la soo bedbaadiyo, waxaana Goobta ku sugnaa oo kale Ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah.

Waxa la arkayey Dad badan oo ehel la ahaa Dadka Geeriyooday oo Dadkoodii Warshadda ku dhintay Cisbitaallada ka baadi-goobaya, qaarkood oo la waraystay ayaa iyagoo ilmaynaya dareenkooda sheegaya “Waxaan waayay Walaalkay, waan jeclaa walaalkay, isaga meel walba waan ka raadiyey, laakiin waan waayay..” ayuu yidhi, Zakir Hussain oo 32 jir ah isla-markaana u warramay Wargeyska The National.

Illaa hadda lama oga waxa dhaliyey dabka khasaaraha badan dhaliyey Axadda Maanta, laakiin waxa baadhitaanno wada Ciidammada Amniga ee Magaalada New Delhi.

Hindiya ayaa caan ku ah Dabka ka kaca Iskuullada iyo Warshadaha, kuwaasi oo sababa Khasaare badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka