Hargeysa: Aabbo, Hooyo Iyo Laba Carruur Ah Oo Ay dhaleen Oo Ku Geeriyooday Dhisme Ku Dumay

Hargeysa (HCTV) –  Allaah ha u naxariistee waxa Xalay Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Aabbe, Xaaskiisii iyo Laba Carruur ah oo ay dhaleen, ka dib markii iyaga oo hurda Aqal Soomaali uu ku soo dumay Dhisme duug ah oo ay Gurigoodu ku dhegsanaa.

Saaka Waaberigii ayaa lagu war helay Geeridan Naxdinta leh ee Qoyskan, waxaana markaa ka dib halkaa Gurmad ku tagay Ciidammada Dab-damiska, kuwa Amniga iyo Masuuliyiinta Caasimadda Hargeysa iyo kuwa Gobolka Maroodi-jeex.

“Iyadoo la hurdo oo aan Qofna ogayn ayuu ku dhacay Gurigan Qadiimka ahi, Dadkaasina waxay ahaayeen Laba Carruur ah, Aabbahood iyo hooyadood oo Xaamili ahayd..” ayuu yidhi, Qof ka mid ah Dadka la jaarka ah Qoyska Masiibadu ku dhacday.

Duqa Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo ka mid ahaa Masuuliyiinta halkaasi gaadhay ayaa Tacsi u diray Ehelka Qoyska Geeriyooday iyo Shacabka Somaliland, waxayna Digniin u direen dadka ag deggan Goobaha Biyo-mareenka ah “Saaka waxa Geeriyooday oo Aqal Qadiim ah oo kuwii Ingiriiska ahi ku soo dumay Qoys ka kooban Afar Qof, Faysal Aadan Cabdi, Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd iyo Laba Carruur ah, Qoyskaasi waxay ku jireen Aqal Soomaali Beebe ah, Ilaahay Jannadiisa Farduusa ha geeyo..” ayuu yidhi, Maayarka Hargeysa waxaanu intaa ku daray “Dadweynahana waxaan leeyahay meelaha Laagaha ah iyo Dhismayaasha Qadiimka ah ee aan Jiigadi saarnayn inay ka fogaadaan..”

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka