Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Lamaane & Ubadkoodii Oo Ku Geeriyooday Dhisme Ku Dumay

Hargeysa (HCTV) –  Allaah ha u naxariistee waxa Xalay Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Aabbe, Xaaskiisii iyo Laba Carruur ah oo ay dhaleen, ka dib markii iyaga oo hurda Aqal Soomaali uu ku soo dumay Dhisme duug ah oo ay Gurigoodu ku dhegsanaa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u diray Shacabka Somaliland iyo Ehelada ay ka Geeriyoodeen Qoyskaasi.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornaa sidan:-

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah  aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuuma Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.