“Waxa La Wadaa Maakhir State, Waxaana La Doonayaa In Somaliland La Jarjaro..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la doonayo in Somaliland loo jarjaro sida Soomaaliya isla-markaana Maamul-gobolleed cusub laga sameeyo bariga Dalka.

Faysal oo Maanta ka hadlay Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu arrintaa wado Safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya, waxaanu yidhi “Nin la yidhaahdo Camey ayaa Safiir looga dhigay Itoobiya, waa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Ninkaa waxa meesha loo geeyay inuu Somaliland qaso oo uu jarjaro, Shalay wuxuu la fadhiistay Ninka Turkiga u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu isku geeyay Ninka la yidhaahdo Dhoobo-daareed, markaa waxa la wadaa wax la yidhaahdo ‘Makhir State’ oo ah Sanaag, Sool iyo Cayn, taas ayaa hadda IGAD laga soo ansixinayaa, horena wuxuu u casuumay Ugaaska Samaroon, Ugaas Cabdirashiid, Suldaan Siciid oo ah Suldaanka Badhan iyo Fahad Yaasiin.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay “Waxaas ayaa innagu socda iyo Somaliland loo jarjaro sida Soomaaliya oo laga dhigo Dawlad Gobolleedyo, taasina way suurto-galaysaa haddaynaan innagu beenayn, waxaana waxa inaga qarinaya Muranka gudaheeda..”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka