Badhasaabka SOOL Oo Ka Hadlay Diyaar-garowga Carwada Bandhigga Buugaagta Laascaanood (Akhri)

Hargaysa (HCTV) – Badhasaabka gobolka Sool ayaa ka hadlay bandhigga carwada buugaagta ee Laascaanood oo la filayo in ay tobanka bishan ka furanto Magaaladaasi.

Waxaanu badhasaabku hay’adda wadaniga ah ee SVO uga mahad celiyay qaban qaabada iyo qabashada carwadaasi.

Waxaanu ugu baaqay bulshada gobolka Sool in ay soo dhaweeyaan martida imanaysa bandhigaasi iyo dhinaca amniga, isagoo xusay in bandhigga carwadaasi uu sumcad weyn u keenayo gobolka Sool.

 C/qani Maxamuud Jiidhe, oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Lascaanood ayaa arrin sumcad weyn iyo horumar u keenaysa ku tilmaamay bandhigga buugaagta ee Laascaanood lagu qabanayo.

“Waxaa sumcad weyn iyo horumar iyo wanaag ku ah, Bandhigga Laascaanood book fair. Bandhigaasi oo magaalada Laascaanood lagu qabanayo. Waan u mahad celinayaa hay’adda SFO, oo hawshaa soo qaban qaabisay. Anagu maamul ahaan 45 maalmood ka hor ayaanu ka shirnay, oo xafiiska maamulka gobolka Sool inta aanu isugu nimid, sidii ayaanan heegan ugu nahay oo aanu ugu taagan nahay”ayuu yidhi badhasaabku.

Cabdiqani Jiidhe, ayaa baaq u diray bulshada gobolka Sool oo uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii bandhiggaasi uu u noqon lahaa mid qurux badan oo dadka martida ah ee yimaaddaa ay waxyaabo badan kala noqdaan “Dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool, gaar ahaana magaalada Laascaanood waxaan ka codsanayaa in ay bandhigga buugaagta, oo dadku aad u xiisaynayaan, in aad loo soo dhaweeyo martida inoo iman doonta, akhristeyaasha, qoreyaasha iyo cid kasta oo iman doonta bandhigaasi.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadka maanta Laascaanood yimaaddaa aragti ayay la noqonayaan, markaa dadka degaanka waxaan baaq ugu dirayaa in ay hawshaas nagala shaqeeyaan, haddii ay nabadgeliyo tahay ay nagala shaqeeyaan, haddii ay soo dhawayn tahay, iyo haddii ay dedaal tahayba ay nagala shaqeeyaan”.

Dhinaca kale badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in bandhigga buugaagta ee Laascaanood uu ka duwan yahay bandhigyada lagu qabto magaalooyinka kale ee dalka, isla-markaana uu ka kooban yahay dhawr qaybood “Bandhiggan buugaagta ee Laascaanood, wax badan ayuu kaga duwan yahay bandhigyada magaalooyinka kale ee dalka Somaliland lagu qabto. Kan akhriska waxaa dheer dhaqankii. Markaa waa laba xubnood oo isa saaran, In dad abwaanno ah, oo ILLAAHAY SWT xikmad siiyay, oo buugaag badan qoray, ay iyagu-na ka soo qayb galaan iyo dhaqankiina uu garab socdo iyo dad kale oo badan ayaan rejaynaynaa”ayuu yidhi badhasaabku.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka