Ururka SOLJA Iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Oo Tababar U Qabtay Suxufiyiinta Togdheer

Hargeysa, (HCTV) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka SLNHRC ayaa tobabar ku saabsan xirfadaynta iyo anshaxa saxaafadda u qabtay saxafiyiinta ka hawlgala gobolka Togdheer.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Nafaqo ayaa daahfurey tobabarkan oo socon doona mudo 3 cisho ah

Ugu horeyn waxa halkasi ka hadley faahfahiyeyna gudoomiyaha ururka SOLJA ee gobolka Togdher Maxamed Ibraahin Xasan British iyo sidoo kale mid kamida suxufiyinta ka faideysanaya tobabarkani…

Masuul ka socda haayada xaquuqul insaanka Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cabdi ayaa isna sheegey sida laysaga kaashanayo anshaxa iyo kor u qaadista aqoonta suxufiyinta

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahin Nafaqo ayaa ka markhaati kacay sidey saxaafada gobolka togdheer ay uga shaqeeyan horumarka gobolka togdheer isagoona kula dardarmay warbaahinta gobolka iney ka faaideystan kulanada noocan oo kala ah ayna kor u qaadan aqoontoda suxufi ahaan.

Gudoomiye ku xugeenka ayaa sidoo kale u mahadnaqay Ururka SOLJA iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka SLNHRC.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.