Madaxweynaha Somaliland Oo Wada-hadal Ugu Baaqay Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ugu baaqay inay isugu yimaaddaan kulan deg-deg ah.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay inuu doonayo in kulanka uu ugu baaqay Guddoomiyeyaasha Labada Xisbi lagu lafo-guro sidii loo dhamayn lahaa khilaafka hadda dalka ka taagan ee ku saabsan Doorashada iyo Dhismaha Komiishanka doorashooyinka.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaynu u baahan nahay in Xisbiyadeenu ka heshiiyaan Khilaafaadka jira, waxaan u arkaa inaynu doorasho deg-deg ah qabanaa waa muhiim dalkaana u baahan, waynu qaban karnaa doorashada dhaqaale iyo aqoon ahaanba iyadoon Cidna innaga caawin, doorashadu waxay dib ugu dhacaysaa waa khilaafka Xisbiyada oo cid kale Eedda lama laha. Xisbiyadu markay diyaar-garoobaan ee ay ka heshiiyaan khilaafaadka Doorashada, waalla helayaa Dhaqaalaha, Talada iyo Shaqaalahaba, Nacasnimada ugu weyni waxay fuulaysaa Saddexda Xisbi ee ay ku heshiin waayay inay doorasho qabsadaan ee khilaafkoodu sannad jiitamayo.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Doorashada dib u dhacaysaa waxay abuuraysaa nacayb dhexdeena ah, doorashada dib u dhacaysaa dhexdeena khilaaf ayay ku abuuraysaa, Waayo? Qofka la doortay Shan sanadood hadduu kursiga bannayn waayo kii kale ee kursiga sugayeyna Colaad ayuu ka qaadayaa, Arrimaha dibeddana way innaga dhaawacaysaa oo Dad tashan kari waayay oo doorasho ku heshiin waayay yaa la macaamilaya, sidaasi darteed waxaan doonayaa inaan halkan uga baaqo labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaradka ah inaanu Shir deg-deg ah isugu nimaadno toddobaadka soo socda horraantiisa, si aanu u gorfayno sidii khilaafaadkan loo dhameeyo oo Dalku uu doorasho u galo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka