Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland Oo Laga Qaaday Xasaanaddii Xildhibaanimo

Garoowe (HCTV) – Barlamaanka Puntland ayaa Maanta xasaanaddii xildhibaanimo ka qaaday Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ka dib markii laga soo gudbiyay mooshin.

39 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in xasaanadda xubinimada laga xayuubiyo guddoomiyihii hore oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray kala qeybinta midnimada iyo jiritaanka Puntland.

Hal xildhibaan oo ah guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka aamusay mooshinka oo ay dhammaan u codeeyeen xildhibaanadii golaha ku sugnaa oo gaarayay 40 mudane.

Cabdixakiin Dhoobo ayaa hadda ku sugan dalka Ethiopia, isagoo halkaas u aaday kulamo ku saabsan sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe uu damacsan yahay oo ah in gobolada Sanaag iyo Sool yeeshaan maamul ka madax banaan Puntland, waana sababta uu ku waayay xasaanadiiisii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka