WADDANI Iyo UCID Oo Diiday Shir Deg-Deg Ah Oo Madaxweynuhu Ugu Yeedhay

Hargeysa (HCTV) – Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa diiday inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland, ka dib markii Maanta uu Madaxweynuhu u soo jeediyey inay isugu yimaaddaan kulan uu sheegay in lagu soo afjaro khilaafka ku saabsan aasaaska Komiishanka iyo Doorashooyinka dib u dhacay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa ayaa Hoggaamiyeyaasha labada xisbi Mucaarad ugu baaqay inay isugu yimaaddaan Shir Deg-deg ah, kaasi oo lagaga wada-hadlayo Khilaafka Dalka ka taagan ee ku saabsan doorashada iyo aasaaska Komiishanka.

Laakiin, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo Shir deg-deg ah yeeshay ka dib hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay Madaxweynaha wax Wada-hadal ah la yeelanayn .

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayey Afka labada Xisbi ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Madaxweynuhu illaa uu doorashooyinka Qabto wax wada shaqayn ah oo aanu la yeelanaynaa ma jirto. waxa ugu daran marka Qofka Madaxda ah Afkiisa iyo Ficilkiisu is yeelan waayaan, Qofka madaxda ah waa in Qawlkiisa iyo Ficilkiisu is yeeshaan, Madaxweyne Muuse labadaa sanadood ee uu dalka hayey khudbadaha uu akhriyo iyo Ficilladiisu isma laha..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka