Somaliland: Ciidammada Ilaalada Xeebaha Oo Qabtay Afar Markab

Saylac (HCTV) – Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Somaliland.

Afarta Markab ee sida Sharci-darrada ah uga kalluumaysanayey Xeebaha Galbeed ee Somaliland ayaa waxa qabtay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee fadhiisinkoodu yahay Gobolka Selel, sida uu ku soo warramay Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Gobolka Selel.

Maraakiibtan oo ay saarnaayeen Tobaneeye Shaqaale ah ayaa waxa laga leeyahay Dalka Masar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka