Riyadh: Shirka Wadamada Khaliijka Carabta Oo Lagaga Baaqay Midnimo

Riyadh, (HCTV) – Shirka Waddamada Gacanka Carabta ayaa si dhakhso ah loogu soo afjaray caasimada dalka Sucuudiga oo uu ka furmay.

Shirkan ayaa laga soo jeediyey in dalalka Gacanku ay ilaaliyaan midnimadooda xili dalalkaasi ay xidhiidhka u gooyeen dalka Qatar isla markaana aan wax horumar ah laga samayn sidii loo xalin lahaa dhibaatadaasi diblomaasiyadeed ee laba jirsatay.

Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaan isagu ka soo qaybgalin shir kaasi 40th aad ee ay yeesheen dalalka Gacanka Carabtu ee ka dhacay riyaad, waxaanu usoo diray shirkaasi Raysal Wasaare Cabdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii socdaal u gooyey Qatar bishii June ee 2017, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inay taageerto argagixisada, islamarkaana xidhiidh la leedahay dalka Sacuudiga ay xifaaltamaan ee Iran, inkastoo Qatar ay si kulul u beenisay eedeymahaasi loo soo jeediyey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.