7 Qof Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Maraykanka

New Jersey (HCTV) – Lix Qof oo Maraykan ah ayaa dhintay, saddex kalena way dhaawacmeen ka dib markii nin Hubaysan uu Rasaas oodda kaga qaaday goob Dad badan joogeen oo ka mid ah Magaalada New Jersey.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa sarkaal sare oo ka mid ahaa ciidamada Booliska Mareykanka, 3 Qof shacab ah.

Ninkii geystay Weerarka Dadku ku dhinteen, ayaa markii dambe Ciidammada Boolisku ay toogasho ku dileen.

Warbaahinta Maraykanka ayaa baahiyey Muuqaallo muujinaya Nin Hubaysan oo ku gudo-jira Weerarka uu Dadka ku laayey.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa cambaareeyay Weerarka, waxaanu Tacsi u diray Ehelada Dadka ku dhintay Weerarkaasi.

Maaha Weerarkii koowaad ee noocan ee Maraykanka ka dhaca, balse sidan oo kale ayaa Weerar kale uga dhaceen Dalkaasi, kuwaasi oo lagu dilay Dad badan oo Shacab ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka