Weerar Lagu Dilay 71 Askari Oo Ka Dhacay Dalka Niger

Niger (HCTV) – Koox Mitidiin ah ayaa dilay 71 askari, ka dib markii ay jidka u galeen Kolonyo Ciidammada Millateriga Dalka Niger ah.

Weerarka Jid-gooyada ah ayaa ka dhacay meel ku dhow Xuduudka Dalka Niger la leeyahay Mali, waxaanu weerarku dhacay Arbacadii Shalay sida laga soo xigtay Sarkaal ka mid ah Ciidammada Niger.

Waa Weerarkii ugu dhimashada badnaa inta xasuusto ee  lala beegsado Millateriga Dalka Niger.

Boubacar Hassan oo ah Afhayeen u hadlay Ciidammada Niger ayaa sheegay in weerarka Jid-gooyada ka hor, Salaasadii dhowr boqol oo Kooxo Mitidiin ahi ay soo weerarreen saldhig Ciidammadu ku leeyihiin meesha la yidhaahdo Inates, weerarradaasi oo iska caabbintoodii socotay illaa saddex saacadood.

Illaa hadda Kooxna ma sheegin  masuuliyadda Jid-gooyada lagu dilay 71-ka Askari ee ka midka ahaa Ciidammada Niger, laakiin Kooxo xidhiidh la leh Al-qaacida iyo Daacish ayaa hawl-gallo ka sameeya deegaanka weerarku ka dhacay.

Madaxweynaha Niger Mahamadou Issoufou ayaa soo gaabiyey Socdaal uu ku tagayey Dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qayb-gali lahaa Maanta Shir

Weerrada noocan ah ayaa si joogto ah uga dhaca Gudaha dalka Niger, gaar ahaan Deegaannada ku dhow xuduudka Niger la wadaago Mali.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka