Shirka Golaha Wasiirrada Somalia Oo Lagu Ansixiyay Xeerar Dhawr Ah

Muqdisho, (HCTV) – Golaha Wasiirrada Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaadheen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL, waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah.

Dhinaca kale Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khamiista maanta ansixiyay siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo muhiim u ah qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta iyo saboolnimada.

“ Siyaasadan waxay naga caawinaysa in xal loo helo shaqo la’aanta bulshadeenna heysata.. dadaalka ugu badana waxaan galinayna oo aan albaab walba u garaaceynaa sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo is beddel abuuri kara.” ayuu ku daray wasiirka Shaqada.

Baarlamaanka ayaa la horgeyn doonaa  siyaasadda shaqo abuurka qaranka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.