Qatar: Raysal Wasaare Khayre Oo Shir Kaga Qaybgalay Doxa

Doha, (HCTV) – Wefti uu horkacayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galaya kulanka madasha Dooxa oo maanta furmay dalka Qadar.

Kulanka Madasha Dooxa oo socon doona Laba maalmoodo ayay ka soo qaybgaleen madaxda qaar kamid ah dowladaha  caalamka iyo hay’adaha caalami ah, kaas oo uu furay amiirka Qatar, Tamim  bin Hamad Al Thani.

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qafar ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis wanaagsan iyo gacan saar hoose oo sii xoogeystay tan iyo wixii ka danbeeyay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafkii Khaliijka ee lagu go’doomiyay dalka Qatar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA