Dr Maxamed Axmed Oo Ka Hawlgala Cusbitaalka Ugu Weyn Turkiga Oo Dawooyin Soo Gaadhsiiyey Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Dr Maxamed Axmed oo ah Digtoor ka hawlgala cusbitaalka ugu weyn Turkiga ee dawliga ah ayaa maanta deeq Dawooyin ah ku wareejiyey ururka dhaqaatiirta Somaliland.

Weftigan uu horkacayey Dr Maxamed Axmed oo ay wehelinayey Dakhaatiir u dhashay dalka Turkish ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye. Kuwaas oo markii dambana ururka Dhakhaatiirta Somaliland ku wareejiyey Daawooyinka ay Somaliland soo gaadhsiiyeen.

Waxaana masuuliyiinta ururka Dhakhaatiirta Somaliland ay uga mahadnaqeen weftigan deeqda Dawooyinka ah ee ay soo gaadhsiiyeen, iyadoo Dawooyinkan loogu talogalay inay sii gaadhsiiyaan goobaha fogfog ee dadka barakacay ay ku noolyihiin.

Waxaana la filayaa in dawooyinkani ay wax ka tari doonaan baahiyaha shacab badan reer Somaliland oo ku dhaqan dhulka fog.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA