Hooyo Nadiifiso Ahayd Oo Dhawaan Shaqo Laga Eryey Oo Hay’adda Barakacayaasha Somaliland Shaqo Ka Heshay

Hargeysa, (HCTV) – Hooyo Nadiifiso ah ka ahayd meherad Dukaan ah oo dhawaan maamulihii meheradaasi ka eryey ayaa shaqo ka heshay hay’adda Barakacayaasha qaranka.

Hooyadan oo shaqadaasi markii laga eryey si weyn sheekadeedu ay baraha bulshada u dhex xulaysay ayaa soo jiidatay indhaha dad tiro badan oo reer Somaliland.

Gudoomiyaha hay’adda Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Xinif ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hooyadaasi, waxaanu balanqaaday inay ka mid noqon doonto shaqaalaha xafiiska hay’adda Barakacayaasha Somaliland.

“Runtii arintani marka dhinac laga eego maaha wax la sii waaweyneeyo oo warbaahinta inta loogu yeedho la buunbuuniyo maaha. Maalin walba arrimo noocan ahi way iska dhacaanoo ganacsatada waaweyn kolayba waxoogaa tacadi ahi shaqaalaha rayidka ah wuu kaga yimaadaa.

Wasaaradbaana inoogu samaysan oo qaranku u sameeyey oo la yidhaa Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqogalinta ayay shaqadeeda tahay, waanan u mahadnaqayaa Wasaaradaas oo markii u horaysayba talaabay qaaday oo qareeno ayay u qabatay, hawshaana waa lagu jiraa xaq wixii ay u yeelatana way cadeeyeen oo ay ka siin doonaan ciday ugu cadaato,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka, Cabdikariin Xinif.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.