Hargeysa: Madixii Hore Ee Sirdoonka DDSI Oo Loo Gacan Galiyey Jigjiga

Hargeysa, (HCTV) – Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Madixii hore ee Sirdoonka Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo magaciisa la yidhaa Mukhtaar Suubane loo gacan galiyey dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Mukhtaar Suubane ayaa in muddo ah ku xidhnaa Xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa, waxaana lagu eedaynayaa intii Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) ay ka talinaysay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu gaystay arimo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Xukuumada Somaliland iyo dalka Itoobiya ayaa leh xidhiidho iyo iskaashi ay ka leeyihiin labada dhinac ay soo qabtaan isla markaana ay isku wareejiyaan xubnaha lagu eedeeyo inay dambiyo ka galeen labada dhinac.

Waxaana markii Isbadalka Siyaasiga ahi uu ka dhacay dalka Itoobiya Gaar ahaana Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay xukuumada Somaliland xadka Wajaale ay ku qabatay lacago iyo gaadiid lagala soo talaabay dhinaca Dawadd Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo ay dib ugu celisay dalka Itoobiya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.