Weftiga Beesha Caalamka Oo Kulamo La Leeshay Xisbiyada Siyaasada Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Weftigii balaadhan oo ka socday Beesha Caalamka ayaa galabnimadii maanta Kulano gaar gaar ah magaalada Hargeysa kula yeeshay saddexda xisbi Siyaasadeed ee Somailand iyo Ucid iyo ururkada Bulshada rayidka ah.

Kulankan oo diirada lagu saaray Arinta Doorashooyinka iyo Go’aamadii Guddida Dhexdhexaadintu ay soo saareen ayaa xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID ay u muujiyeen waftiga beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arimaha doorashada inay aqbaleen go’aankii guddida dhexdhexaadinta Khilaafku ay ka soo saareeneen khilaafkii u dhexeeyey xukuumada iyo xisbiyada Mucaaridka ah.

Markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa waxa warbaahinta la hadlay oo faahfaahin ka bixyey waxyaalihii labada dhinaca ay ka wadahadleen masuuliyiinta saddexda xisbi oo ay kulanka goobjoog uga ahaayeen

Maxamed Kaahin oo ah Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye, halka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu u hadlay Axmed Xuseen Caydiid iyo Xisbiga UCID oo uu u hadlay Cabdiqani Salaf.

Sidoo kale Safiirka Midawga Yurub u fadhiya Somalia Nicolas Berlanga Martines oo isaguna kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca weftiga saaxiibada la ah Somaliland oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay iyo urur Goboleedka Igad iyo xubno kale oo aanu magacoodka ku hadlayno.

Marka u horaysa Mahadnaq iyo hambalyo u jeedinaynaa shaqadii dhexdhexaadinta ahayd ee ay qabteen guddidii dhexdhexadinta khilaafku, taas oo ah dedaal gudaha oo guddidu ay samaysay todobaadkii u dambeeyey.

Waxaanay sameeyeen arin tusaale ah oon ku koobnayn somailand balse tusaale u ah dhamaan manadaqada gobolkan iyo meelo kale.

Arinta labaad ee xusida mudanina waxa ay tahay sida saddexda xisbi ee Somaliand ay u aqbaleen go’aamadii guddida dhexdhexaadintu ay soo saareen, taas oo ahayd waxa muwaadiniinta somailand ay ka sugayeen, waxaanan rumaysanay in aanay jirin cid guuldaraysatay iyo guulaysatay toona marka loo eego arimaha la soo jeediyey balse guud ahaan ay dani ugu jirto Somaliland.

Ugu dambayntii anaga oo malayna beesha caalamka iyo saaxiibada Somaliland, waxaanu jecelnahay inaanu ku boorino xisbiyada siyaasada inay si wadajir ah u baadigoobaan oo ay yagleelaan xiliga ay dhaqangalinayaan soo jeedinta guddida dhexdhexaaadinta, wakhtigaas kuwaas oo u baahan faahfaahin dheeraad ah iyo in somailand ay ku hogaamiso doorashada golaha wakiiladu inay qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan sanadka 2020-ka.

Sidoo kale waxaanu filaynaa in guddidan doorashada iyo baarlamaanku ay sidoo kale ku sii taagnaadaan heerka arinta loo qaaday danta Qaranka,” ayuu yidhi Nicolas Berlanga Martines.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.