Wasaaradda Beeraha Oo Gobollada Dalka U Kala Dirtay Kooxaha La Dagaalanka Ayaxa

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Maanta kooxaha la dagaalanka Ayaxa u kala dirtay Gobollada Bariga iyo Galbeedka Dal.

Kooxahan oo Wata 8 Gaadhi oo ay ku rakiban yihiin Qalabka lagula dagaalamo Ayaxa ayaa waxa Saaka kala diray Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed.

Wasiirka oo Saxaafadda la hadlay ka hor intii aanay kooxahaasi Gobollada dalka u kala bixin ayaa yidhi “Sannadkan aynu ku jirno bilowgiisii ayuu Ayuxu Dalka ku soo bilaabmay, iyadoo Illaa 20 Waddan oo Adduunka ayaa aad uga cabanaya Ayaxa, illaa xilligii uu inagu soo bilaabmay Wasaarad ahaan intii awooddayada ah waanu dedaalaynay.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Saaka waxa diyaar ah 8 Gaadhi iyo shaqaalihii raaci lahaa, 8-daa baabuur waxay u kala baxayaan Gobollada bariga iyo Galbeedka Somaliland, Kooxahaasi waxay hawsha wadayaan muddo 21 cisho ah, waxayna u baxayaan la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato weyn ku haya Ayaxa..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka