Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Budhcad Badeedda Soomaaliya Khatar Ku Tahay Maraakiibta Maraya Xeebaha Afrika

New York, (HCTV) – Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa Maraakiib dagaalka oo laga leeyahay India u dirtay xeebaha Afrika gaar ahaana Somalia, iyagoo ilaalo ka ah maraakiibta gargaarka sida ee u raran hay’adda Barnaamijka Cuntada Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (WFP).

Arrintan ayaa timid ka dib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in Budhcad baddeeda Soomaalida ay khatar ku yihiin maraakiibta gargaarka sida ee maraya xeebaha Afrika gaar ahaana Somalia.

“Maraakiibta ganacsiga ee u raran barnaamijka cuntada aduunka ma ma haystaan hub, waxayna bartilmaameed jilicsan u yihiin burcad badeedda, sidaas daraadeed ciidamada badda ee Hindiya waxaa loo geeyay sidii loo ilaalin lahaa ammaanka maraakiibtaas,” ayaa lagu yidhi warbixinta Qaramada Midoobay kasoo baxday.

Dhowr Markab oo kuwa Badda Hindiya ah ayaa iyaguna gaaf wareegaya xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo horey uga tirsanaa howlgalka la dagaalanka burcad badeeda.

Ciidamada Badda Hindiya ayaa siidaayay sawirro iyo macluumaad markab xamuul siday oo lagu magacaabo ‘MV Annika’ iyo markab dagaal oo Hindi ah oo ilaalo ka ah.

Wadamo badan oo Afrika ah, dadku ma helaan cunno ku filan. Qaramada Midoobay waxay si joogto ah ugu dirtaa agab kala duwan oo gargaar iyo cunto nafaqo leh.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.