Koox Ka Socota Naadiyada Heerka 1aad ee Kubadda Cagta Kenya Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

Hargeysa, (HCTV) – Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu soo dhaweeyey koox ka socota heerka 1aad ee Naadiyada ka dhisan dalka Kenya, kuwaas oo ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doona laba kooxood oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

 

Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland ayaa Kooxdan Kubadda Cagta ee ka socota dalka Kenya ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaaada Hargeysa oo ay wehelinayaan Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland, waxaana weftigaasi Ciyaaryahanada ah ee ka yimid daka Kenya Horkacayey Safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Sharmaarke Geelle.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.