“Alle Ka Cabsiga Waa Inaynu Nafaheena, Carruurteena Iyo Bulshadeena Ku Tarbiyadeyno..” Sheekh Dirir.

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa ugu baaqay bulshada in kelmada Alle ka cabsigu tahay kelmad Ilaahay SW uu faray Gaal iyo Islaam-ba sida aayad quraanka kariimka Ilaahay SW inoogu sheegay ‘Dadyahow Ilaahay SW ka cabsada.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey khudbadii Jimcaha maanta oo ku saabsanayd muhiimada Alle ka cabsiga ayaa sheegay in loo baahan yahay ogaanshiyaha macnaha Alle ka cabsiga, mudnaanta uu ku leeyahay sharciga iyo midhaha laga goosanayo, waxaanu yidhi,

“Tilmaanta ay taqwadu, ama Alle ka cabsigu leedahay, asxaabtu way isku dayeen Ilaahay SW haka raali noqdee, inay inoo fasiraan, Cali binu Abi daalib RC, isagoo inoo fasiraya macnaha Taqwada ayaa yidhi ‘Taqwadu waa Ilaahay SW oo qalbigaaga ku weyn, kuna camal-falaya waxyiga uu soo dejiyey, una diyaargarooba maalinta Qiyaamaha. Saddexdaa arrin haduu qofku sameeyo Alle ka cabsigii waa laga helay.

Cabdillahi ibnu Mascuud RC, asxaabigii weynaa oo sharxaya Alle ka cabsiga ayaa yidhi ‘Waa in Ilaahay SW la aqbalo la adeeco  oon la caasiyin., in la xusuusnaado oo qalbigaaga aanay ka bixin iyo nimcadiisa faraha bdan oon laga gaaloobin.  

Xasan al Basri, oo ah raggii asxaabta cilmiga ka hirqaday ee xikmadaha badnaa oo fasiraad ka bixinaya Alle ka cabsiga ayaa yidhi, ‘Dadka Ilaahay SW ka cabsada waa kuwa ka feejignaada waxii Ilaahay SW ka xaaraantimeeyey, ee si wanaagsan ula yimaada waxuu ku waajibiyey.

Cumar binu Cabdicasiis RC waxuu yidhi Taqwadu maaha habeenkii in la cibaadaysto, maalintiina la soomo, inta ka dhexeysana xaaraanta aad walaaqato, maaha qofku inuu marna dhinacan ahaado marna ka dhaco, ee waa inuu ku toosnaado waddada alle.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in marka la soo uruuriyo macnaha Taqwada ay noqonayso in layska riixo cadaab Ilaahay SW, laguna riixo daacada iyo cibaadada, kana riixo naftiisa, isagoo doonaya raali-ahaanshaha Ilaahay SW.

Mar uu ka hadlayey ahmiyada Alle ka cabsiga iyo martabada ay shareecada Islaamku ku sifaysay Sheekh Maxamed ayaa yidhi kalmada Taqwadu waa kalmada Ikhlaaska,

“Kalmada Taqwada waxa lagala mid dhigay kalmada Ikhlaaska oo macnaheedu yahay cabsida. Qofka kelmadan ku dhawaaqa marka ay ka dhab tahay waxay keensanaysaa inuu Ilaahay SW ka cabsaday.

Nebi maxamed NNKH iyo asxaabtiisi waxay ku adkaysteen, Ilaahay SW u sahlay kelmada Alle ka cabsiga, oo ku hdawaaqeen, kuna noolaayeen.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in kelmada Alle ka cabsigu tahay kelmad Ilaahay SW uu faray Gaal iyo Islaam-ba sida aayad quraanka kariimka Ilaahay SW inoogu sheegay ‘Dadyahow Ilaahay SW ka cabsada.

Kelmada Alle ka cabsiga miisaankeeda iyo inaan la dhaafi Karin waxa inoo iftiiminaya Nebi walba CS ama Rasuul walba CS markuu ummadiisa u yimaado waa halkuu casharka uga bilaabayey, sida Ilaahay SW aayad quraanka inoogu sheegay ‘idinka iyo ummadahii idiinka horeeyey ee kutubta la siiyey Alle ka cabsiga ayaa la farayey, wax cidna laga dhaafay ma ahayn’.

Miisaanka Alle ka cabsigu shareecada Islaamka dhexdeeda ku leeyahay waxa caddaynaya waa xikmada aynu u cibaadaysanayno, oo qofku markuu caabdudka noqdo waxuu gaadhayaa derejada laan-dheere-nimada ee Taqiga, sida Ilaahay SW aayad quraanka inoogu sheegay, ‘Dadyahow Rabigiina caabuda, dadkii horena isagaa u Rabbi ahaa, si aad u cabsataan’ cibaadadaa ayaad cabsida ku helaysaan.

Cabdisa xarunteedu halka ay degto waa xubnaha  jidhka halka u wanaagsan  oo Qalbiga ah. Qofku weligii ha dedaalo, balse hadaan daacadnimadii qalbigu jirin iyo dareenkii cabsidii ku weynaa ee Ilaahay SW, waxba kama jiraan waxiisa. Nebigu NNKH markuu xadiiskii dheeraa dadka ku waaninayey waxuu lahaa ‘Alle ka cabsigu waa halkan (qalbiga ayuu gacantiisa ku tilmaamayey).

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey midhaha laga goosanayo marka qofku Alle ka cabsiga la yimaado ayey ugu horeysaa jacaylka Ilaahay SW, waxaanu yidhi

“Aad waxaynu ugu ordeynaa ee Ilaahay SW u jecelnahay, ee diintiisa u jecelnahay, ee Rasuulkiisa NNKH u jecelnahay waa in Ilaahay SW inna jeclaado. Jacaylku waa wax weyn, madaxdu waxay u ordeysaa shacabku ha idin jeclaado, shacabku waxay u ordayaan madaxdu ha idin jeclaato, Gabadhu waxay u ordeysaa Odeygaagu ha ku jeclaado, jacayladaa oo dhan ka ka muhiimsan ee aynu u ordeyno waa in Ilaahay SW inna jeclaado, markuu Ilaahay ku jeclaadana qof kaloo kuu cadhooda waxba kuma yeelayo.

Naxariista Ilaahay SW aynu baadigoobayno waxa lagu helaa Alle ka cabsiga sida Ilaahay SW quraanka kariimka ugu  cadeeyey, taasoo laba boqol iyo dheeraad aayadood ku soo arooreen ‘Naxariistaydu shay walba way ka balaadhatay, waxaanan aakhiro ku gooni yeeli doonaa kuwa iga cabsada’.

Marka aynu doonayno cid aynu is-hayno inaan iska cellino, cabsida Ilaahay SW waa inay jirtaa, laakiin xayd-xaydasho kale waxba inooma tarayso, Ilaahay SW waxuu yidhi ‘Gaal oo dhan wuu isu-kiin raacay, Muslimow idinkuna ha u kala hadhina, laakiin ogaada cidaan wehelinayo ee barbar taaganahay waa kuwa iga cabsada’.

  • Murugada iyo werwerka dadka ku badan waxa lagaga badbaadayaa cabsida Ilaahay SW.
  • Ajar iyo abaal weyn ayuu Ilaahay SW u ballanqaaday kuwa ka cabsada

Sheekh Maxamed ayaa bulshada ku baraarujiyey in Xaaraanta ummadu u badheedho loo baahan yahay in Alle ka cabsigu ka joojiyo, waajibka la fudedsaday waa in Alle ka cabsigu kugu baraarujiyo, dulmiga iyo xad-gudubka waa in Alle ka cabsigu innaga joojiyaa, Alle ka cabsiga waa inaynu nafaheena, caruurteena iyo bulshadeena ku tarbiyadeyno. Ilaahay SW ayeynu weydiisanayna ain qalbigeena ku weyneeyo Alle ka cabsiga, Amen. 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka