WADDANI Iyo UCID Oo Ka Noqday Go’aan Ay Hore U Gaadheen

Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa ka laabtay Go’aankoodii ahaa in aanay wax kulan ah la yeelanayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi illaa uu Dalka doorasho ka qabto.

Labada Xisbi Mucaarad oo Maanta Shir-jaraa’id ayaa sheegay inay ka noqdeen Go’aankoodii hore isla-markaana la kulmayaan Madaxweynaha, si looga wada-hadallo qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka iyo weliba Khilaafkii la soo afjaray ee ka taagnaa Komiishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayey Afka labada Xisbi Qaran ee Somaliland ayaa isagoo ka hadlaya inay aqbaleen gogoshii uu Madaxweynuhu u fidiyey wuxuu yidhi “Gogoshii Madaxweynaha waanu ogolaanay waanan la kulmaynaa, Madaxweynaha waxaanu kala hadli doonaan sidii loo fulin lahaa go’aankaa la gaadhay..”

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay inay Shacabka ka raalli-gelinayaan Khilaafaadka soo noqnoqday ee Xukuumadda iyo Xisbiyada “Shacabka Somaliland waxaan leenahay xaalbaanu idin siinay inaan isku kiin dul qabsano may ahayn” ayuu yidhi.

Xisbiyada WADDANI iyo UCID ayaa hore u diiday inay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka