“9 Guri Oo Diinta Kiristaaanka Lagu Faafinayay Ayay Soo Xidheen Guddiga Wanaag-faristu..”

Hargeysa (HCTV) – Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaa-reebista ayaa sheegay inay xidheen 9 Guri oo loo kiraystay Faafinta Diinta Kiristaanka isla-markaana ay Mastaafuriyeen Dadkii hawshaa ku jiray.

Sheekh Cali Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista Somaliland oo ka hadlayey Munaasibad Guddigu ku soo bandhigeen waxqabadkooda ayuu ku sheegay inay wax weyn ka qabteen Dadkii caadaystay inay Caayaan Diinta iyo Ilaahay, illaa xilligii la aasaasay Guddigaasna ay arrintaasi yaraatay.

Sheekh Maxamed Cali oo ka hadlaya Guryaha loo kiraystay Faafinta Diinta Kiristaanka ee ay xidheen ayaa yidhi “Guddiga wanaag farista iyo Xumaan reebista waxa la gaadhsiiyey lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay. Waxqabadkoodana waxa ka mid ah, 9 Guri oo Diinta Kiristaanka lagu faafinayey ayay xidheen, Dadkii wadayna (Faafinta Diinta Kiriistaankana) way mastaafuriyeen…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka