Booliska Maraykanka Oo Toogasho Ku Dilay Nin U dhashay Qadar (Akhri)

USA (HCTV) – Masuuliyiinta ayaa sheegay in Ciidammada amniga ee Gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ay toogteen Nin u dhashay Dalka Qadar.

Ciidammada Amniga ayaa toogtay Ninka u dhashay Qadar Jimcihii, ka dib markii isagoo Cabsan uu weerarray Askari Boolis ah oo ku amrayey inuu Beerka dhulka dhigo si loo qabto.

Askari Booliska Maraykanka ayaa toogtay Wiilka u dhashay Qadar oo Magaciisu ahaa Mohamed Al Hashemi isla-markaana da’diisu ahayd 25 jir, ka dib markii uu dhulka dhigay mid ka mid ah Calaamadaha Gaadiidka kala haga ee Waddooyinka dhinacooda ama dhexdooda la dhigo, Waddada oo Gaadiidku socdana uu rabshad ka dhex sameeyay.

Laakiin, Askariga oo Amrayey inuu Dhulka Jiifsado ayuu weerarrray, taasina waxay keentay in Askarigu uu dhowr Xabadood ku dhufto, sida laga arki karo Muuqaal lagu baahiyey Warbaahinta Carabta.

Warbaahintu waxa kale oo ay sheegeen in Ninka ay Ciidammada Maraykanku dileen uu ahaa Arday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka