Madaxweynaha Iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Kulan Yeeshay

Madaxweynaha Iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Kulan Yeeshay

Maxkamadda Dastuuriga Ah Ee Somaliland Oo Maanta Qaraar Ka Soo Saartay Qoraal Madaxweynuhu U Gudbiyey
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Soo saartay Awaamiir Lagu Ilaalinayo Bad-qabka Shaqaalaha
Shidaal yaraan soo waajahday Itoobiya iyo Colaad Isir oo la kawsaday isbedelka Itoobiya
Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ugu Bushaareeyey Dhamaadka Shaqaaqadii Ceel-Afweyn
Booliska Maraykanka Oo Toogasho Ku Dilay Nin U dhashay Qadar (Akhri)

Hargeysa (HCTV) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo ku-xigeenkiisu ayuaa Maanta kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI  ayaa diirrada lagu saaray:

Ø  In si wada jira  ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

Ø  In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ø  In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono..”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: