Ururka VOSOMWO Oo Hargeysa Ku Qabtay Shir Haweenka Lagaga Wacyigalinayo Tahriibka

Hargeysa, (HCTV) – Ururada VOSOMWO iyo hay’adda SIHA Newtowk ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay shir dhalinyarada hablaha ah lagaga wacyigainayo dhibaatada ay tahriibtu leedahay.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro ku bahoobay shabakado maxali ah oo ay ka mid tahay Danjire Network oo ay ku bahoobeen dhalinyaro iskaga kala yimid degmooyinka Caasimada ee Hargeysa ayaa laga soo jeediyey mawduucyo ku saabsan dhibaatada tahriibku uu gaadhsiiso dhalinyarada gaar ahaana Hablaha.

Ugu horayn waxa kulanka Shirkaasi ka hadashay Hibaaq oo ka socotay ururka Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay ugu horayn ka warantay waxa uu u taagan yahay ururka VOSOMWO oo ku hadla codka Haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waxaanay tidhi “Ururka VOSOMWO waxa uu u taagan yahay ururka codka haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waa urur waddaniya oo la aasaasay 2004-tii, waxaana loo aasaasay sidii loo raadin lahaa xuquuqaadka iyo sidii ay ugu hadli lahaayeen.

Mudadii uu ururkani jiray ururku waxa uu qabtay horumaro la taaban karo oo dhinac walba leh oo ay ka mid yihiin dhinaca Siyaasada iyo dhinaca waxbarashadaba, sidoo kale ururkani waxa uu ka shaqeeyaa sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada.

Ururku wuxuu khibradd u leeyahay bulshadan uu u shaqaynayo, waxaanu cilmi baadhiso farabadan uu ka sameeyey duruufaha dhaqan dhaqaale ee haysta bulshadan laga tirade badan yahay eek u dhaqan Somaliland.

Intaa ka dib kulankeenu waxa uu daaran yahay, arinta tahriibka oo muddo dhan ay iska kaashanayeen ururka VOSOMWO iyo Daladda SIHA NETWORK oo ka shaqaysa Geeska Afrika, waa urur ay ku midoobeen ururada Geeska Afrika, waliba Bariga Afrika ee Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, waxaana jiray Tababaro xidhiidh ah oo loo qabanayey Hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid Daami, Maxamed Mooge iyo Istaad-House-ka oo ku saabsanaa aafada ay tahriibtu leedahay, dhibaatooyinka laga dhaxlo. Sidoo kale waxa jiray balo la kulmay tahriibta oo tahriibay oo dhibaatooyin ku soo dhaceen, kuwaas oo la-talin la siinayey oo waxa la isku dayayey sidii bulshada ay ugu soo noqon lahaayeen oo mar kale ay bulshada ka dhex muuqan lahaayeen.

Markaa waxa jiray laba urur oo aanu la wadnay hawlahaa oo daladan SIHA ay maalgaalinaysay mashruucan, mid waxa uu ahaa DANJIR oo ururkaasi waxa uu noqday urur guulaystay oo hawlihiisii waa loo dhameeyey,” ayay tidhi Hibaaq oo ka socotay ururka VOSOMWO.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Galaal oo ah Aqoonyahan dhalinyar ah, isla markaana u ololeeyaha arimaha dhalinyarada, kaas oo iftiimiyey waxyaalaha keena tahriibta, waxaanu yidhi “Marka aynu usoo jeedsano mawduuca aynu ka hadlayno ee Tahriibta, Tahriibta waxa keena baahi, markaa hadii qofka dhibaato haysata laga horistaago, tusaale ahaan Wiil ama Gabadh mudo geedi waxbarasho soo waday markaa haduu waayo wax uu geedigaa waxbarasho uu kaga nasto ama uu ku naaloodo ama uu ku nasanayo uu waayo, wuu tahriibayaa.

Markaa dhinac walba waa la rogrogay oo Somaliland waa laga qiimeeyey waxa keenaya Tahriibta waliba ay hablo u badan yihiin waxa keenaysaa waa baahi, Baahidii hadii qofka laga joojin waayo wax markaa qofku uu soo kordhinaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Aqoonyahan Galaal oo u ololeeya arimaha dhalinyarada.

Dhinaca kale waxa isaguna madasha kulankaasi ay yeesheen ururada VOSOMWO iyo SIHA waxa ka hadlay Nuuradiin oo ah masuulka Dalada SIHA Network u qaabilsan Somaliland, waxaanu yidhi “Hawshani waxay ahayd hawl aynu inbadan soo wadnay anaga oo isla kaashanayna ururka VOSOMWO iyo hadda SIHA, waxaana aanu ku dooranay VOSOMWO in dadka inta dhibtu taabato ay la shaqayso, waxaana mashruucan loogu talo galay in dadkaasi Tahriibaya waxyigalin laga siiyo dhibaatada tahriibka.

Maaha markii ugu horaysay oo hawshan oo kale aanu bilawnay, waxa kale oo jira urur kale oo la yidhaa Danjire Association oo 40 hablood ka kooban oo iyaguna shanta waaxood ee magaalada Hargeysa ka kala socda. Cilmi baadhis aanu samaynay waxa ay muujinaysaa oo mashruucani uu si gaar ah taxadir uga muujinayaa ama uu u khuseeyey inta badan dadkani waa hablahaha ay da’doodu ka hoosayso 14-22 jirka, waa kuwa inta badan u tahriiba xagaa iyo dalalka Carabaha.

Carabaha marka ay dadkaasi tagayaan Puntland ayay maraan kadiban Yemen ayay tagaan waxaanay ku dambeeyaan Sucuudiga, sidaa marka ay tahayna dhibaato badan iyo tacadi badan ayay kala kulmaan,” ayuu yidhi Nuuradiin oo ah Masuulka u qaabilsan dalada SIHA Networka Somaliland.