Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Goofguduud Ee Gobolka Baay

Muqdisho, (HCTV) – Faah faahinno dheeraad ah iyo sheegashooyin kala duwan ayaa ka soo baxeysa dagaal culus maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidamada militariga Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Goofguduud ee dulleedka magaalada Baydhabo, iyaga oo sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 11 Askai oo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaa ay ku dileen 20 Ruux oo ka tirsan dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Basle dhinaca kale ilo kala duwan oo madax-bannaan oo la hadlay warbaahinta kuna sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in weerarkaa lagu dilay ilaa 8 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayeey wararku sheegayaan in xoogagga Al-shabaab muddo kooban la wareegeen saldhigyada lagu dagaalamay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.