SAYLICI Oo Qaabilay Koox kubadda Cagta Ah Oo Somaliland Booqasho Ku Yimid

Hargeysa (HCTV) – Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyay Ciyaaryahannada Kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan Dalka Kenya, kuwaasi oo Ciyaaro Saaxiibtinimo Maalmihii u dambeeyay la yeeshay Kooxaha ka dhisan Somaliland qaarkood.

Sidaana waxa lagu sheegay War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha  iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa, isaga oo kooxda ka socota dalka Kenya-na ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland  ku sugnayd kulamo ciyaareed la qaadatay kooxo dhiggooda ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxana ay maantaba ku laabteen dalkoodii Hooyo.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka