Madaxweynaha Eritrea Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Addis Ababa

Addis Ababa, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerk ayaa socdaal ku tagay caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey markii uu soo gaadhay dalkaasi Ethiopia.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa Madaxweynaha dalka Eritrea kaga hortagay Garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa markii uu soo gaadhay.

War qoraal ah oo bartiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Gurigiisa labaad mar kale uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne Afwerk.

Inta uu jooga magaalada Addis Ababa ayaa lagu waxaa uu kulamo la qaaday doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyagoona ka wada hadli doona xiriirka u dhexeeya labada dal iyo Arrimo kale oo ku aadan Gobolka.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa maalin kahor booqasho ku tagay Magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaas uu kula soo kulmay Dhaxalsugaha Maxamed Bin Zayed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.