Kenya Oo Somalia Kala Xaajoonaysa Adkaynta Ammaanka Gobolka Wajeer

Nairobi, (HCTV) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan xuduudeed ka dib weeraradii argagixiso ee ka dhacay Gobolka Wajeer saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Wakiilka Gobolka Wajeer Jacob Narengo iyo kooxda amniga ee gobolka ayaa soo noolayn doona shirar wada-jir ah oo u dhexeeya bulshooyinka ku nool Kenya iyo xadka Soomaaliya, si wax looga qabto kiisaska sii kordhaya ee xag-jirnimada.

Gobolka Wajeer ayaa la kulmay shan weerar oo argagixiso sedexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, waana tan ugu badan ee la diiwaan galiyay bilihii la soo dhaafay.

Marka la fiiriyo weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Wajeer, Jacob Narengo, ayaa sheegay inay go’aansadeen istiraatiijiyad lagula soconayo aagagga ay weerarradu saameeyeen.

Istaraatiijiyaddan cusub waxay diiradda saareysaa hagaajinta la socoshada iyo xoojinta tafaasiisha amniga ee joojinta weerarada.

Wuxuu ku booriyay odayaasha inay la shaqeeyaan hay’adaha fulinta sharciga iyo maamulayaasha maxalliga ah iyagoo si iskood ah ula wadaagaya macluumaadka u oggolaanaya hay’adaha ammaanka inay waqtigooda ku bixiyaan la socoshada dhaqdhaqaaqa amniga.

Alshabaab ayaa sanadkaan sii dhamaanaya kordhiyay weerarada ka dhanka ah gobolka waqooyi bari ee Kenya, waxayna dhawaan afduubteen 6 qof oo muwaadiniin Kenyaan ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.