Nuxurka Qodobada Ay Isla Qaateen Madaxweynaha Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridku

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Markii kulankaasi laga soo baxayna waxa saxaafada la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

“Waxa maanta qabsoomay kulankii labaad ee saddexda gudoomiye xisbi iyo aniga oo goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeen ahaan ay isugu yimaadeen, Iyadoo lagu lafa-gurayey ama laga wadahadlayey sidii doorashooyinka Somaliland oo runtii dib u dhac badani inagaga dhacay oo aakhirkii odayaal reer Somaliland ah oo muxtarimiin ahi ay is-xilqaameen oo dhankooda ay isku xilqaameen, isla markaana ay go’aamo soo jeediyeen sidii hawshaa hore loogu sii dhaqaajin lahaa in doorashadii sida ugu dhakhsaha badan ee ugu suurtagalsan ay u qabsoonto, sidaa uu Madaxweynuhu shalayba kaga dhawaaqay khudbadii uu ka jeediyey Carwadii Warshadlayda Somaliland.

Waxa maantana mar labaad oo balantii labaad ahayd markaanu isku noqonay aanu ku heshiinay inaanu muddo loo baahan yahay sidii hawshaa iyo xeerkii loo fulin lahaa ee Xeerkii iyo Xalkii la isku cunsiin lahaa, hawshaasina ay midho dhal u noqon lahayd,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo war-baahinta la hadlay kulanka ay xisbiyada la yeesheen kadib.

Sidoo kale waxa isaguna warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaanu yidhi “Sidaad ka warqabtaan waxaanu maanta yeelanay kulankii labaad ee labada guddoomiye xisbi iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo aanu ka yeelanay si aanu hore ugu sii wadno sidii doorashaduna u qabsoomi lahayd soo jeedintii odayaashana loo dhaqan galin lahaa.

Markaa marka aanu aragnay hawshaa culayskeeda, waxaanu isla garanay inay u baahantahay wakhti hawshaa lagu fuliyo si qodobadii loo fuliyo, markaa waxaanu isla qaadanay ilaa bisha tobankeeda (January 10, 2020), hawshaa la siiyo wakhti xukuumada iyo xisbigeeda iyo Madaxweynaha, wakhtigaa ay u baahantahay waanu la qaadanay,” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.