Todoba Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Turkiga

Bitlis, (HCTV) –  Todoba qof ayaa ku dhintay halka 64 kalena laga soo badbaadiyey doon siday Muhaajiriin ka yimid dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan oo kula dagtay Haro ku taala dalka Turkiga, gaar ahaana gobolka Bitlis.

Doonta ayaa degtay xili ay ku sii jeedday degmada Adilcevaz ee gobolka Bitlis, oo ku taal xeebta waqooyiga harada Lake Van, sida uu sheegay xafiiska Badhasaabka gobolka Bitlis, oo tilmaamay in Shilku abbaaraha 3am (0000 GMT).

Haradan ayaa u dhow xadka Turkigu uu la leedahay Iran, halkaas oo muhaajiriintu ay si joogto ah ugu gudbaan Turkiga, iyagoo ku sii jeeda galbeedka dhinaca Yurub.

Ma cadda sababta muhaajiriinta ay ugu dul degeen ama ugu safrayeen harada Lake Van, oo gabi ahaanba ku taal xuduuda Turkiga.

Shan qof ayaa maydkooda laga helay goobta, halka laba kalena ay ku dhinteen cusbitaalka, waxaana 64 qof ee la soo badbaadiyay loo qaaday Cisbitaallada, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka Bitlis ee shilku ka dhacay.

Sannadkan oo kaliya Turkiga ayaa ka mid noqday dalka martigeliyey tirada ugu badan ee qaxootiga ah ee dunida oo dhan 3.7 milyan oo reer Suuriya ah, taas oo marar badan sheegtay inay doonayso inay ku celiso aag nabdoon oo ku yaal waqooyiga bari ee Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka digay mowjado qaxoontinimo oo dheeri ah waa hadii dagaalada Suuriya – iyo weeraro hor lehi ay ka sii socdaan dalkaasi ay keeni karto qoxooti tiro badan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.