Qabsashadii Kacbada Ee Beddeshay Taariikhdii Sacuudiga (1979)

Qabsashadii Kacbada Ee Beddeshay Taariikhdii Sacuudiga (1979)

Ma Biyo La’aan Baa Jirta Mise Dayactir La’aanta Mishiinnada Ceelasha Ayaa Keenaysa Qaylo-dhaanta Xoolo-dhaqatada ?
Lebanon: Ciidamada Oo Bilaabay Inay Nadiifiyaan Wadooyinka Kadib Iscasilaadii Xariiri
Wasiirii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Muqdisho Oo Maanta Gaadhay Kismaayo
Nigeria Oo Xaqiijisay Kiiskii Ugu Horeeyey Ee Caabuqa coronavirus
Hargeysa Oo U Diyaargaroobaysa Munaasibada Ciida Iyo Masuuliyiin Booqda Suuqa Waaheen

Makka (HCTV) – Afartan sano ayaa laga joogaa markii wadaad iyo dadkii taabacsanaa ay la wareegeen Masjidka barakeysan ee ku yaalla magaalada Makka oo ah halka ugu barakeysan dunida sida uu Islaamku qabo.

Weriyaha BBC-da Eli Melki ayaa sheegtay in qabsashada masjidka ay ruxday dunida Islaamka isla markaana ay beddeshay taariikhda Sacuudiga.

Subaxnimadii hore 20-kii November 1979, ilaa 50,000 oo qof oo dunida daafaheeda ka kala timid ayaa isugu yimid Kacbada si ay ugu tukadaan salaadda subax. Dadkaas waxaa ku jiray 200 oo rag ah oo uu hoggaaminayay wadaad 40 sano jir ahaa oo lagu magacaabo Juhayman al-Utaybi.

Markii uu imaamkii dhammeeyay tujinta salaadda, Juhayman iyo dadkii taabacsanaa ayaa dhinac u riixay waxayna la wareegeen makarafoonkii.

Waxay badhtamaha masaajidka dhigeen naxashyo, marka salaadda ay dhammaato waxaa caado ah in masaajidka la keeno Meydadka si loogu tukado salaadda janaasada. Hase yeeshee, markii la furay naxashyadii waxaa ka soo muuqday qoryaha gacanta, si degdeg ah ayaana loogu qeybiyay raggii.

Mid ka mid ah raggoo makarafoonka la wareegay ayaa meesha ka akhriyay khudbad diyaarsaneyd: “Muslimiinta halka joogtaay, waxaanu ku dhawaaqeynaa maanta imaanshaha Mahdi… oo la imaan doona caddaalad iyo sinnaan dhulka ka hirgasha kaddib markii caddaalad-darro ay dhulka harqisay.

Xujeydii meesha ku sugneyd, waxay tani u ahayd wax la yaab leh. Xadiisyada waxaa lagu weriyay in Rasuulka NNKH uu sii sheegay imaashaha Mahdi. Waxaa lagu sheegay inuu yahay nin awood dheeraad ah uu Alle siiyay, Muslimiinta qaar ayaana aaminsan inuu horseedi dooni caddaalad.

Wadaadka, Khaled al-Yami, oo taabacsanaa Juhayman, ayaa sheegay “aragtiyo badan ayaa muujiyay imaashaha Mahdi”. Boqollaal Muslimiin ah ayaa riyada ku arkay, sida uu sheegay Yami. Magaca Mahdi wuxuu ahaa Mohammed bin Abdullah al-Qahtani.

Cod laga soo duubay khudbada, waxaa la maqlayay Juhayman oo ninkii hadlayay ka dhex galaya hadalka isla-markaana raggiisa ku amraya inay xidhaan albaabbada Kacbada.

”I maqla walaalayaal! Ahmad al-Lehebi, aad sagxadda kore. Haddii aad aragto qof amarka ka hor imaanaya, toogo!”

Sida laga soo xigtay goobjooge magaciisa qariyay, Juhayman wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Mahdi u duceeya, islamarkiina dadkii kale ayaa bilaabay inay ka daba dhahaan “Ilaah baa weyn!”.

Balse, sidoo kale waxaa jiray wareer. Abdel Moneim Sultan, oo ahaa arday Masar u dhashay oo diinta baranayay isla-markaana yaqaannay qaar ka mid ah dadkii la socday Juhayman, ayaa dib u xusuustay in masaajidku ay ka buuxeen ajaanib aan si fiican u garaneyn luqadda carabiga, mana ayna fahmi karin waxa meesha ka dhacay.

Abdel Moneim Sultan, oo sanadkii 1979 arday ahaa, ayaa dhacdada goobjoog u ahaa

In la arko rag hubeysan oo ku sugan meel ay diintu ka mamnuucdo inay rabshado ka dhacaan, iyo rasaas la maqlayay ayaa ka yaabisay dad badan oo Kacbada ku cibaadeysanayay, waxaana dadkaasi ku adkaatay inay helaan meel ay ka baxaan.

Balse, saacad gudaheed ayaa lagu soo afjaray howgalka. Kooxaha hubeysan ayaa la wareegay Masjidka, taas oo caqabad ku noqotay qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Ragga la wareegay Masjidka barakeysan ayaa ka tirsanaa ururka al-Jamaa al-Salafiya al-Muhtasiba (JSM) oo cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay isbeddelka qayimka bulshada iyo diinta ee Sacuudiga.

Dalkan oo saliidda qaniga ku ah, ayaa kobcayay. Gawaadhida iyo qalabka korontada ayuu sidoo kale caan ku ahaa, gobollada qaarna ragga iyo habeenka ayaa bilaabay inay is dhex galaan.

Juhayman, oo ka mid ah aasaasayaasha JSM – oo ka soo jeeda Sajir, oo ku taalla Bedouin badhtamaha dalkaas – ayaa dadkiisa ka hor qirtay in noloshiisii hore ayna hagaagsaneyn. Waxay isugu yimaaddeen guriga mid ka mid ah dadkii taabacsanaa, isagoo uga sheekeeyay taariikhdiisa.

Dadka ku dibad baxayay bannaanka masaajidka ayaa ka soo horjeeday la wareegidda lala wareegay

Usama al-Qusi, oo ahaa arday diinta barta oo ka qeyb galay kulamada kooxda, ayaa maqlay Juhayman oo sheegaya inuu ku lug lahaa “ganacsi sharci-darro ah, ayna ku jirto daroogada”.

Si kastaba, wuu ka towbad keenay, wuxuuna noqday hoggaamiye dhanka diinta oo ay ku daydaan xubnaha JSM, gaar ahaanna da`yarta.

Inta badan dadka yaqaannay sida ardaygii diinta baranayay Mutwali Saleh, way ka dambeeyeen: “Ma jiro qof arkay ninkan oo aan jecleysan. Wuxuu ahaa qof la yaab leh. Noloshiisa oo dhanna wuxuu siiyay Allah, maalin iyo habeen.”

Si kastaba, hoggaamiye dhanka diinta ah ayaa sheegay in ninkani aanu aqoon badan lahayn.

“Juhayman wuxuu jeclaa inuu aado meelaha miyiga ah ee ay ku nool yihiin dadka Bedouin,” Nasser al-Hozeimi, oo ay isku dhow yihiin, ayaa sheegay. “Sababo la xidhiidha luqaddiisa carabiga oo daciif ahayd iyo isagoo lahaa lahjadda Bedouin, wuxuu ka fogaan jiray inuu u khudbeeyo dadka wax bartay isagoo ka baqayay in la ogaado.”

Dhanka kale, Juhayman wuxuu ka tirsanaan jiray Ilaalada Qaranka Sacuudiga, tababarka milatari ee uu haysto ayaana door weyn ka cayaartay la wareegidda masaajidka.

JSM ayaa waxay markii dambe isku dhaceen culimadii Sacuudiga waxana ku bilowday ugaadhsi.

Juhayman ayaa duurka u qaxay, halkaasoo uu ka soo cambaareyn jiray boqortooyada Sacuudiga. Wuxuu isku qanciyay in Sacuudigu uu noqday dal musuqmaasuqu la degay isla-markaana in samada looga yimaaddo mooyaane ayna waxba is beddeleynin.

Hoggaanka Sacuudiga ayaa ka falceliyay la wareegidda Kacbada.

Dhaxal-sugihii xilligaas Fahd bin Abdulaziz al-Saud wuxuu ku sugnaa Tunisia oo uu ka socday shirkii Arab League halka amiir Abdullah, oo ahaa madaxii Ilaalada Qaranka – uu ku sugnaa Morocco. Waxaa arrintii looga tegay Boqor Khaled oo xanuunsanaa iyo wasiirkii difaaca amiir Sultan.

Booliiska Sacuudiga ayaa markii hore ku guul darreystay inay fahmaan baaxadda dhibaatada, balse markii dambe ayay ku guuleysteen inay dib ula wareegaan Kacbada.

Qorshihii Faransiiska oo guuleystay

“Juhayman waxaa ka dhammaaday rasaasta iyo cuntada,” ayuu yidhi Nasser al-Hozeimi, oo asxaabtiisa ka mid ahaa. “Waxay isugu tageen qol yar, ciidammada ayaana bambaanooyin qiiq sii deynaya ku soo tuurayay… Sababtaas darteed ayayna isku soo dhiibeen. Juhayman wuu tegay asxaabtiisiina way ka daba baxeen.”

Maj Nufai oo goobjoog ka ahaa kulankii markaas kaddib dhacan, ee u dhaxeeyay amiirrada Sacuudiga iyo Juhayman oo aan is beddelin ayaa sheegay inay sidan wax u dhaceen: “Amiir Saud al-Faisal ayaa weydiiyay: ‘Sabab, Juhayman?’ Wuxuu ku jawaabay: ‘Waa qaddar.’ ‘Wax aad u baahan tahay miyaa jira?’ Wuxuu yidhi: ‘Waxaan rabaa biyo.'”

Juhayman ayaa warbaahinta loo soo bandhigay, bil kaddibna 63 mucaarad ah ayaa dadka hortooda lagu dilay, kuwaasoo ku kala sugnaa siddeed magaalo oo Sacuudiga ku yaalla. Juhayman wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dhinta.

Juhayman al-Utaybi

Sacuudiga ayaa wixii intaa ka dambeeyay sii ahaa dal asal-raac ah, balse dhowaan ayaa waxaa soo muuqday isbeddelo.

Wareysi lala yeeshay bishii March 2018, Dhaxal-lsuge Mohammed Bin Salman, ayaa sheegay in ka hor 1979, “Waxaan ku nooleyn nolol caadi ah sida dalalka kale ee Gacanka, haweenka ayaa kaxayn jiray gawaadhida, waxaa Sacuudiga ku yaalla tiyaatarro aflaanta laga daawado.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: BBC

COMMENTS

%d bloggers like this: