Tiro Ka Badan 79 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho, (HCTV) – Ugu yaraan 79 qof ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 100 qof qarax xoogle oo subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo goor dambe oo caawa ah xaqiijiyey tirada rasmiga ah ee ku dhimatay qaraxaasi ayaa sheegay in dhimashadu ay tahay 79 dhaawacuna uu ka badan tahay boqol qof, tiraduna ay intaasi ka badan karto oo dad dhaawacyo culus qabaa ay jiraan.

Cisbitaalka Madiina oo kaliya ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta uusan Qaraxu dhicin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaaray Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka la eego saameynta Qaraxan aanu waxba ka duwaneyn kii 14kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Baraha bulshada ay ku wada xidhiidhaan ayaa waxaa qabsaday tacsida iyo sawirada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxan oo ay soo dhigayaan dad ay asxaab ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali soo saarin tirada rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.