Somaliland: UCID Iyo WADDANI Oo Cambaareeyay Qarax Muqdisho Ku Dilay 100 Qof

Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa Cambaareeyay Weerar Naxariis-darro ahaa oo Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu laayey Dad u badnaa Arday.

Weerarka Muqdisho ka dhacay Sabtidii Shalay ayaa lagu dilay Dad gaadhaya 100 Qof, kuwaasi oo intooda badan ahaayeen Arday wax ka baran jiray Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdish, waxaana ku dhaawacmay Dad kale oo tiro badan.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo si gaar-gaar ah uga hadlay Weerarkaasi ayaa sheegay inay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

Ugu Horrayn War-saxaafadeedka Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu ka hadlayey Qaraxa Muqdisho ayaa u qornaa sidan:-

Sidoo kale, Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlay Qaraxaasi ayaa qoraal kooban oo uu Warbaahinta soo gaadhsiiyey ku yidhi “Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka