Soomaaliya: 16 Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Shalay Oo Loo Qaaday Turkiga

Muqdisho (HCTV) – 16 Qof oo ka mid ah Dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa loo qaaday Dalka Turkiga, si halkaa loogu soo daweeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Madaarka Muqdisho ku soo sagootiyey dhaawacyada loo qaaday Turkiga, waxaanu eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku  bixin doonto dedaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo  dhammaystiran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay qaraxa Ex-Kaantarool Afgooye Shalay ka dhacay, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinta dhaawacyada ay kasoo gaadheen qarixii Naxariis-darrada ahaa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka