Yemen: Khasaaraha Ka Dhashay Ciidan Qalinjabinayey Oo Weerar Lala Bartilmaameedsaday

Al-Dhalea, (HCTV) – Ugu yaraan shan Askari ayaa ku dhintay kadib markii weerar qarax loo adeegsaday lala bartilmaameedsaday guuto Milatariya oo ku qalinjabinaysay magaalada Koonfurta dalka Yemen ku taala ee Al-Dhalea, sida ay sheegeen ciidamada amaanka ee dalkaasi.

Sidoo kale weerarkan dhacay Axada maanta ayaa waxa ku dhaawacmay sideed kal, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta caafimaadka oo ay soo xiganayaan saraakiisha Amaanka ee Ciidamada Belt.

Ciidamada Belt ayaa qayb ka ah kooxda gooni-u-goosadka Koonfurta dalka Yemen oo ay badhi-taageeraan Imaaraadka Carabtu, lana dagaalama kooxda Iran Xulafada la ah ee Xuutiyiinta.

Dad goobjoog ah ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in qaraxu ka dhacay meel u dhow halka ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalinjabinayey, meeshana ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay Askartaasi Milatariga ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.