Ma Dhab-Baa In Muuse Biixi Iyo Qoyskiisu Ay Dacwaynayaan Faysal Cali Waraabe ?

Hargeysa (HCTV) –  Hoggaamiye Muuse Biixi iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay ka damqadeen eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga Ucid dhawaan u jeediyey.

Guddoomiye Faysal ayaa eedaymaha uu u jeediyey qoyskiisa Muuse Biixi waxay salka ku hayeen inay waddankii ka dhigteen Tukaan ay leeyihiin oo kale.

Eedaymihii Faysal Cali Waraabe u jeediyey Muuse Biixi iyo qoyskiisa ayaa u dhignaa sidan “Muuse Biixi qoyskiisii, carruurtii uu abtiga u ahaa, walaalladii iyo dadkiisii oo dhana waxay galeen ganacsigii oo waddanka dhaqaalihiisii ayuu gacanta ku haystaa, Waa la caddaynayaa inta mashruuc ee ay qaateen oo waa la hayaa wax qarsoona maaha, illaa iyo maantana inta qof ee ehelkiisa ah ee uu meel yar xanjo ugu dhajiyey waa la hayaa waanan ka xishoonaynay markii hore, laakiin haddii uu isagu xishoon waayey waa la is qaawinayaa waana lays kashifayaa.”

Dhinaca kale, xogo soo baxaya ayaa sheegaya in hay’adaha sharciga loo gudbiyey cabasho ay qoyska Muuse Biixi ka qabaan guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Wargeyska Geeska Afrika oo guddoomiye Faysal wax ka waydiiyey cabashadan laga qabo ayaa waxa uu si kooban u ydhi “Waan Maqlay arintaas oo suuqa ayaan ka maqlay.”

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka dembi baadhista gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa ka hadlay dacwadan la sheegay in qoyska Muuse Biixi ka gudbiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe waxaanu si kooban ugu sheegay wargeyska Geeska Afrika “Anigu maan maqal mana ogi waxaas aad sheegayso.”

Waxa kale oo xusid mudan inuu wali xabsiga ku jiro xoghayihii arimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika