Somaliland: Saddex Arday Oo Lagu Dhaawacay Bariga Gobolka Badhan

Somaliland: Saddex Arday Oo Lagu Dhaawacay Bariga Gobolka Badhan

Akhri: Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Oo Qirtay Masuuliyadda Dilka Weriye Jamal Khashoggi
Munaasiba Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Ka Qalin Jabisay Machadka Kuwaytiga Oo Ka Dhacday Magalada Hargaysa.
Libya: Ugu Yaraan 30 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Akadamiyad Milatari
AFRIKA: Dal La Daalaa-dhacaya Malaariya, Jadeeco, Shuban-biyood, Corona iyo Ebola
Shaqo Joojin Ay Ku Dhawaaqeen Shaqaalaha Heathrow Airport Oo Saamayna Ku Yeelatay 177 Duulimaad

Badhan (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa ka hadlay saddex Arday oo uu sheegay in lagu dhaawacay deegaanka Middi-gale oo ka tirsan Gobolka Badhan.

Wasiirka oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhallinyarada Ardayda ah oo midkood dhaawaciisu culus yahay ay dhaawaceen Dad aan Somaliland ah.

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale inay Maamulka Badhan amreen in Saddexda Arday loo qaado Cisbitaallada Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo hadba kii Xaaladdooda Caafimaad lagula tacaali karo.

Wasiir Toorno oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxa Maanta deegaanka Midi-gale oo ku yaalla bariga Gobolka Badhan ku yaalla lagu dhaawacay Saddex Arday oo aan waxba gaysan, kuwaasi oo dareenkooda muujinayey, waxaana dhaawacay Dad aan Somaliland ahayn.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu amarnay Maamulka Gobolka Badhan iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolkaa in la soo qaado saddexda Arday oo midkood qabo dhaawac halis ah oo la geeyo Cisbitaalka ugu dhow, hadduu yahay Cisbitaalka Ceerigaabo ama Ka Burco ama ka Hargeysa, haddii dibed loo qaadayana aanu ku dedaallo..” ayuu yidhi.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Toorno si cad uma sheegin Cidda dhaawacday Ardayda, waxa dhaawacooda loo adeegsaday iyo sababta keentay midna, laakiin Ardayda ayaa la dhaawacay xilli ay ku sugnaayeen Dugsigooda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: