Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhigga Ramaax (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu u xidhan yahay Dacwad uu ka gudbiyey.

Baashe-cadde oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Salaadiin iyo Odayaal ka codsadeen inuu ka noqdo Dacwadda uu ka gudbiyey Ramaax ee keentay in xabsiga loo taxaabo, isaguna uu dalbaday in Raalli-gelin laga siiyo eedaymo Ramaax u jeediyey.

Baashe oo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Ramaax Anigaa dacweeyay, waxaanan ku dacweeyay War uu iga sheegay, waxaanu yidhi Guddoomiyuhu wuxuu la shaqeeyaa Dad cadowga Somaliland ah, aniguna waxaan ahay Guddoomiyihii baarlamaanka, haddaan Cadow la shaqaynayo waa inaan xilka ka dego, sidaas ayuu Ramaax ku xidhan yahay.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa kale oo uu sheegay “Waan maqlay inuu yidhi Meelo kale ayaa la iga xidhay, laakiin Anigu ma ogi Cid kale oo uu u xidhan yahay, laakiin waxaan ogahay inuu u xidhan yahay Dacwad aan Anigu ka gudbiyey.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ayaamahanba waxa ii imanayey Salaadiin iyo Odayaal xaggaa ka soo jeeda oo aanu arrinkaa ka wada-hadlaynay, Salaadiintu waxay i waydiisteen inaan Cafiyo (Ramaax) oo aan kiiska dib ula noqdo, Aniguna waxaan waydiistay in Raalli-gelina la iga siiyo, arrinkaasina aanu dib u dhicin..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka