Iran Oo Cambaaraysay Weerar Maraykanku Ku Laayey Dagaalyahano Ay Taageerto

Tehra, (HCTV) – Dawladda Iran ayaa cambaaraysay weerar Maraykanku uu qaaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Shiicada ah ee Kataib Hzbollar oo ku sugan Galbeedka Iraq iyo Bariga Suuriya, waxaanay Iran ay sheegtay in Maraykanku uu muujinayo “Taageeradiisa Argagixisada” isagoo weerar dhinaca cirKa ah ku qaaday Kooxda Hubaysan ee Shiicada ah ee Kataib Hezbollah.

Xarunta Gaashaandhigga dalka Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay Axadii inay Bartilmaameedsatay koox maleeshiyo ah oo xidhiidh la leh Iran oo ku sugan Galbeedka Iran iyo Bariga Suuriya, xili ay ka jawaabayeen dil ay u gaysteen laba qof oo muwaadiniin Maraykan  ah oo la dilay laba maamood ka hor.

Ugu yaraan Afar Taliye oo ka tirsan Kataib Hezbollah ayaa ka mid ah 25-ka xubnood ee kooxdaasi alga dilay, sida ay sheegayaan ilo-wareedo laga helay weerarkaasi, waxaanay intaasi ku darayaan in mid ka mid ah weeraradaasi lagu qaaday kooxaha xidhiidhka la leh Iran ee ay taageerto lala beegsaday xarunta guud ee ay ku leeyihiin Galbeedka magaalada Al-Qaim oo ku taala xadka dalka Suuriya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.