Dibadbaxayaal Cadhaysan Oo Weeraray Safaarada Maraykanka Ee Ciraaq

Baqdaad, (HCTV) – Dibadbaxayaa cadhaysan ayaa weerar ku qaaday dhismaha safaarada dalka Maraykanku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, iyagoo burburiyeen albaabada iyo qaybta hore ee Safaarada, waxaana laga maqlayey rasaasta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaasta nool oo loo adeegsanayo dibadbaxyaaasha cadhaysan.

Dad goobjoog ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay arkeen qiiq cirka isku shareeray iyo saddex askari oo saaran dusha sare ee dhismaha safaaradda Maraykanka.

Ilaa iyo hada ma cada  inta uu leegyahay khasaaraha uu gaadhsiiyey dabku qaybta hore ee safaarada iyo goobta baabuurta la dhigto ee Parking-ka loo yaqaano.

Nin ku qaylinayay oo ku boorinaya dibadbaxayaasha in aan la galin gudaha xayndaabka safaarada ayaa la maqlayey isagoo leh “Fariinteena waa la helay.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Ciraaq iyo shaqaale kale ayaa laga daadgureeyey Safaarada.

Dibadbaxayaashan maanta isugu soo ururay Safaarada Maraykanku uu ku leeyahay dalka Ciraaq ayaa ka gadoodsanaa weerar dhinaca cirka ah oo Maraykanku uu ku dilay 25 dagaalyahan oo ka tirsan kooxo shiico ah oo ku kala sugnaa Suuriya iyo Ciraaq.

Waxaanay dibadbaxayaashu ku qaylinayeen “Maraykanku ha dhaco, Maraykanku ha dhaco!” iyagoo quraarado la dhacayey Kamaradaha Amaanka ee dibada safaarada ku xidhan.

Raysal Wasaaraha xilka sii haya Adel Abdul Mahdi ayaa ugu baaqay dibadbaxayaasha inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan dhismaha Safaarada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.