Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Sheegtay In Sannadkan Uu Kordhay Xadhiga Suxufiyiinta Iyo Rayidku

Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Sheegtay In Sannadkan Uu Kordhay Xadhiga Suxufiyiinta Iyo Rayidku

Jilaa Caan Ku Ahayd Filimada Horor-ka Ah Oo Britain U Dhalatay Oo U Geeriyootay Coronavirus
Puntland Oo Amartay In La Xidho Xafiisyada Guddiga Doorashada Dawladda Federaalka Ah
Yemen: Khasaaraha Ka Dhashay Ciidan Qalinjabinayey Oo Weerar Lala Bartilmaameedsaday
Ergaygii Hore Ee Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Tanzania Ku Geeriyooday
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta

Hargeysa, (HCTV) – Maanta oo bishu tahay 31 December 2019, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay warbixin sanadeedkeedii xuquuqal insaanka ee sanadka 2019.

Warbixinta Xarunta Xuquuqal Iinsaanka madaxa banaan ee 2019 waxay koobsanaysaa arimo dhowra ah oo la xidhiidha tacadiyo xuquuqal insaan oo dhacay sanadka 2019, kuwaas oo ay diiwaangelisay Xaruntu.

Xaalada xoriyatul qolwka oo sii xumaanaysa iyo xadhiga sharci darada ah oo sii badanaya. Somaliland dhexdeeda way adag tahay in qof ku si xora fikirkiisa u cabiri karo.  Sanadkan 2019 waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku diiwaan galisay

xadhigii ugu badnaa ee tan iyo intii xaruntu jirtay. Waxa sanadkan laxidhay. Dad ah 88 qof oo dhamaan xadhigoodu sharci daro ahaa. Marka lays barbar dhigo sanadkan iyo sanadkii hore, waxa xadhigu aad uga badanyhay  sanadkan.

Tusaale ahaan, sanadkii hore waxa la xidhay 35 qof, waxa markaa aad u muuqata in korodh wayni jiro. 88 tankaa qof ee sanadkan laxidhay waxay isugu jiraan 29 suxufi iyo 59 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn. 29 suxufi waxa xukun ku dhacay hal suxufi oo ah Cabdimaalik Muuse Coldoon, hadana waxay dacwad ciqaabihi ku socota fatirihii HCTV, Cabdiqaadir Cismaan Coday. Waxa sidoo kale sanadkan la xayiray afar warbaahinood.

Dhanka kale waxa sanadkan xukuumada ka soo baxayay amaro isdaba jooga oo runtii caqabad iyo cabudhin ku ahaa warbaahinta madaxa banaan.

Dadka kale ee aan suxufiyiinta ahayn ee xadhiga sharci darada ah waajahay waxa ka mid ahaa siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani. Iyadoo waliba sanadkani ahaa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland, la xidho siyaasiyiin miisaankaas leh oo ka tirsan xisbi mucaarad ah oo diiwaangashan. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee la xdhay waxay kala yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi, af-hayeenka xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo hogaamiyihi garabka dhalin yarada  Maxamed Sidiiq Dhame.

Waxa sidoo kale xadhig xad gudub ah lagula kacay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah xildhibaan Barlamaanka ka tirsan, waxa laxidhay isagoo xasaanadiisii huwan, arinkaas oo runtii ahaa arin sharciga baal marsan.

Dhinaca xadhigga sharcidarada ah ee mudo dhaafka ah waxa ka mid ah afar qof  oo laba kamid ahi da’doodu aad u yarayd kuwaasoo  Gobolka Sanaag lagasoo xidhay, moddo 13 bilood ahna  sifo sharci daro ah  Hargeysa ugu xidhnaa, wax maxkamad ahna aan halmar keliya xitaa la hor geynin.

Dhamaan dadka waa lasii daayay wax magdhow ah na lama siin oo dowlada kamaysan helin.

Sidoo kale warbixinta waxa ku jira, tacadiyada boolisku  kula kacaan shacabka. Boolisku waxay had iyo jeer ku kacaan ooy caadaysteen, tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha. Waxay si daah furan u qaraacaan dad shacab ah oon waxba galabsan.  Waxay xaruntu diiwaangalisay garaacis police kula keceen wiil dhalin yaro ah oo lagu xidhay saldhiga booliska ee Koodbuur. Wiil kaas oo ilig uu nin boolis ka tirsani ka riday, majirin wax eed ah oo laga gudbiyay askarigaas.

Xilayada ay xadhigyada samaynayaan dad ka uma adeegsadaan, wax amar makamadeed oo qabasho ah oo sharciyaysan. Marar badana waxay xidhaan dad aan ahayn danbiilayaashii rasmiga ahaa. Waxa adag in booliska lala xisaabtamo ama loo raaco falalka qayrul sharciga ah ee ay galayaan.

Xadhiga dadku  wuu siibadanayaa, goobaha ama saldhigyada dalkuna uma qaabaysna meel cid lagu xidhi karo oo manidaamsana. Xaga nadaafada, cuntada iyo caafimaad kuba wuu liita. Majirto meel Booliska looga ashtakooda amaba laga dacweeya.

Waxa lala wada socdaa in Xeerkii booliska ee dhawaanta lasameeyay  la siyaasadeeyay oo laga tuuray saddexdii qodob ee muhimka u ahaa bulshada taasoo runtii nasiib daro wayn ah. Seddexdaa qodob oo kala ahaa : inaan Boolisku xabad nool u isticmaalin dadka rayidka ah, in lasameeye guddi booliska looga cowdo oo laga dacweeyo markay danbi galaan iyo in la civilian gareeyo booliska.

Arintaasi waxay sababtay madaaa oo aanu jirin masuuliyad iyo la xisaabtan, booliisku in ay siday doonaan u dhaqmaan.

Waxa kale oo xaruntu diiwaan galisay dil aan garsoorku jidayn oo Ceel afwayn ka dhacay. 27 bishii todobaad ee sanadakan sii dhamaanaya ee 2019, waxay ciidamada RRU du, magalaadada Ceel afwayn ku dileen marxuum Rooble Mahdi Eidle oo 22 jir ahaa, marxuumku muu hubaysnayn markii dilka loo gaysanayay. Waxa sidoo kale xabado aan loo meel dayin oo ciidamada RRU fureen ku dhimatay marxuumad Sucaad Abdilaahi Ducaale oo 32 ahayd.

Sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay shan qof oo kale oo muwaadiniin ah, falkaa sharci darada ah, cidna looma maxkamadayn oodanbi lagumaso oogin, taasina waxay xad gudub cad oo wayn ku tahay dastuurka Somaliland.

Sidoo kale waxa warbixin tan ku jira dad dhulkii ay daganayeen xoog iyo awood dowladu kaga saartay, kadib markii ay sheegtay in iyadu dhulkaa madaxtooyo u qoondaysay. arinkaasoo isna sharciga baal marsan. Waayo sida Dastuurkaba ku taal haddii dowladu hanti gaar ah lawareegayso waa in ay magdhow siisaa dadkii dhulka lahaa.

Waxa kale oo waxbixintu koobsanaysaa tacadiyada aalaaba haweenku la kulmaan sida kufsiga, sababtuna waxa weeye ma jiro xeer dhaqan gal ah oo u gaara amaba lagula tacaalo tacadiyadaas.

waxa kale oo warbixintan ku jira 2 qof oo ku dhintay xarumaha aan sharciga ahayn ee dawo dhaqameed yada dadka lagu daweeyo. Arinkaasoo runtii arin warwarkiisa leh ah.

Talo Soojeedin:

ü  Waxaanu soo jeedinaynaa in booliska isbadal aad u balaadhan lagu sameeyo, iyadoo dastuurka dalka la waafajimayo. Sidoo kale in booliska mid madai ah (oo aan military ahayn) laga dhigo, oo ay hoostagaan maxkamadaha shacabka ee caadiga ah.

ü  In la abuuro  gudi madax banaan oo indhaha ku haysa khaladaadka iyo gafefka sharci ee boolisku geystaan.

ü  In boolisku joojiyo awooda xad dhaaf ka ah ee uu u had iyo goor u is ticmaalo , mudaharaadayaasha ama dadka raba inay isusoo baxyo sameeyaan.

ü  Sidoo kale in lamagacaabo  gudi madax banana oo baadha, siyaabaha iyo sifaha ay  boolisku dadka ku xidhaan.

ü  In lamagacabo guddi madax banaan oo badhitaan ku samaysa xadgudubyada booliska laga tirsanayo  ee kadhacay  Ceel –Afwayn, gaar ahaan dilka aan garsoorku jidayn ee  ciidamada RRU du ka gaysteen Magaalada Ceel Afwayn, si maxkamed la horkeeno cidii dilka gaystay oo sharciga loomariyo.

ü  In dowladu ixtiraam weyn u muujiso cabirka rayiga xorta ah, oo aay joojiso xadhiga iyo cago juglaynta ay ku hayso dadka iyada dhaliila.

ü  In siyaasiyiinta loo ogalaado xuquuqqaha siyaasiga ah ee sharcigu siiyay.

ü  In dadka loo ogalaado mudaharaadyada sida uu dastuurkuba waajibinayo.

ü  In dowladu wax ka qabato xarumaha aan sharciga ahayn ee loo furtay dawo dhaqameedyada ee dadka lagu waxyeeleeyo.

ü  Ugu danbayn waxaan ku baaqaynaa in dowladu joojiso dadka ay sifaha xooga ah een sharciga ahayn dhulkooda uga rarayso ama ugu saarayso.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland

COMMENTS

%d bloggers like this: