Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub Ee 2020

Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub Ee 2020

Dawladda Somalia Oo Sheegtay Inay Bilawday Diyaarado Ayax Ay Kaga Buufinayso Deegaamo Somaliland Ku Jirto
Salaadiin Iyo Odayaal Xukuumadda Somaliland Uga Digay In Ganacsade Loo Gacan Galiyo Djibouti
Ethiopia Oo 50 Kun Oo Shaqaale Ah U Diraysa Imaaraadka Carabta
Wasiirii Amniga Jubbaland Ee Ka Baxsaday Muqdisho Oo Maanta Gaadhay Kismaayo
Silvia Romano Oo 18 Bilood Ku Afduubnayd Somalia Oo Qaadatay Diinta Islaamka

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey curashada sanadka cusub ee 2020, sida lagu sheegay War-saxaafadeed qoraal ah oo maanta ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka awgeed, sannadka Hijriga 1441-ka kuna beegan Arbacada 01/01/2020-ka uu Hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2020-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS

%d bloggers like this: