Kenya: Dablay dishay Saddex Ruux, 3 Kalena dhaawacay

Lamu (HCTV) – Dablay la aamisan yahay inay ka mid yihiin Kooxda Al-shabaab ayaa saddex qof dilay, saddex kalena dhaawacay Khamiista Maanta.

Dablayda ayaa saddexda qof dilay, ka dib markii ay weerareen bas siday Rakaab oo marayey deegaanka Nyongoro oo ka mid ismaamulka Lamu ee dalka kenya,  sidaana waxa sheegtay Warbaahinta gudaha ee Kenya.

Guddoomiyaha Lamu, Mr. Irungu Macharia oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey weerarkan 3-da qof lagu dilay, laguna dhaawacay saddexda kale.

Baska la weerarray ayaa ka soo kicitimay magaalada Xeebta ah ee Mombasa, waxaanu ku sii jeeday Lamu.

Jidka u dhexeeya Mombassa iyo Lamu ayaa la xidhay, maaddaama oo ay deegaanka ku xeeran jidkaasi ay hawlo lagu baadi-goobayo dablayda ay ka wadaan Ciidammada amaanka ee dalka Kenya.

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA