Magacyada Saddex Qof Oo Al-shabaab Goob Fagaare Ah Ku Dishay

Soomaaliya (HCTV) – Kooxda Al-shabaab ayaa Meel fagaare ah ku dilay Saddex Qof oo ay sheegeen in Maxkamadi ku xukuntay in la qisaaso.

Fagaare ku yaalla degmada Buq Aqabla ee gobolka Hiiraan ee badhtamaha dalka Soomaaliya ayaa lagu dilay Eedaysanayaashaas oo Maxkamad Al-shabaab leedahay ku ridday xukunka ah in la dilo, sida ay Maanta faafiyeen Warbaahinta taageerta Kooxda Al-shabaab.

Dadka Dilka lagu fuliyey oo dhamaantood ahaa Rag ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiqaadir Xasan Aadan oo 25 Jir ahaa, Cabdicasiis Axmed Maxamuud oo 28 Jir ahaa iyo Faarax Cali Jibriil oo 29 Jir ahaa.

Laba ka mid ahaa ragga la dilay ayaa ku eedaysnaa inay u shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya isla-markaan ay qeyb ku lahayeen shirqool Warbaahinta Al-shabaab sheegtay in kooxo ay cadow ku tilmaameen ka fulin lahaayeen deegaano ka tirsan dhulka Hiiraan ka mid ah oo Al-shabaab xukunto, Shirqoolkaasi oo ay sheegeen in aanu hirgelin.

Ninka kale ee isna ka mid ahaa raggii lagu dilay degmada Buq Aqable oo aha askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lagu qabtay duleedka degmada Beled-weyne isagoo Sahay u siday ciidamada Dawladda Itoobiya oo ka shaqeeya Gobolka Hiiraan.

Ma Jirto Cid Madax-banaan oo xaqiijin karta eedaha Maxkamadda Al-shabaab u jeedisay Saddexda Nin ee la dilay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka